Kulanka Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka ee Isbaheysiga NATO

0
338

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex Tillerson, oo dhigaggiisa gaanshaanbuurta NATO la kulmay, ayaa magaaalda Brussels ka sheegay in looga baahan yahay inay sare u qaadaan miisaaniyadda gaashaandhigga dalalkooda.

Diblomaasigan ugu sarreeya Mareykanka ayaa wasiirada arrimaha dibedda NATO u sheegay in isbaheysiga looga baahan yahay inuu haysto dhammaan waxyaabaha lagama maarmaanka ah sida maaliyadda, si NATO ay u fuliso howlgalladeeda sida kuwa ka socda dalalka Iraq iyo Suuriya.

Tillerson ayaa sheegay in sidoo kale uu gaashaanbuurta NATO kala hadli doono gardarrada Ruusiya ay ku  hayso dalka Ukrayne.

Tillerson ayaa markii uu gaadhay Brussels waxa uu sheegay in uu NATO kala hadli doono saddex arrin oo kala ah maalgelinta howl-gallada, la dagaalanka argagixisada sida kooxda Daacish iyo xaaladda isbaheysiga ee Yurub.

Socdaalka Tillerson ee Brussels ayaa yimid maalin kadib markii uu magaalada Ankara kula kulmay madaxda Turkiga oo sidoo kale xubin ka ah isbaheysiga NATO.

 

Leave a Reply