Shiinaha oo Mamnuucaya Fool Maroodiga

0
420

Shiinaha ayaa la sheegayaa inuu mamnuucayo ka ganacsiga fool maroodiga.

Shiinuhu wuxuu ku dhawaaqay joojinta ganacsigaas lacagta badan leh si loo joojiyo dilka Maroodiga.

Jimcaha ayaa dhamaanba warshadaha ay dawladdu ruqsadda siisay iyo dukaamada lagu gado waxyaabaha fool-maroodiga laga sameeyo la xidhayaa.

Koox ka socota CITES – oo Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta xayawaanka dabar go’aya ayaa goob joog ka noqon doona xidhitaanka.

Ganacsatada iyo dadkii iibsan jiray foolka Maroodiga waxaa iyagana loo diray digniin culus. Qiimaha foolka maroodiga oo kiiladii ay ahayd $2,000, wuxuu hadda hoos ugu soo dhacay $700.

Arrintan  waxaa aad u faraxsan dadka u ololeeya dhawrista deegaanka.

Haseyeeshee waxaa ka xun dadka ka faa’ideysta  ka ganacsigiisa.

Liu Fenghai wuxuu hantidiisa ka tacbaday fool-maroodiga. Waxaa jiray xilli ay warshaddiisa uga shaqaynayeen 25 qof oo farshaxanka yaqaanna.

Wuxuu soo gadan jiray fool-maroodiga, ka dibna waxaa laga samayn jiray kooraha siliska, sanamyo iyo waxyaabaha guryaha lagu quruxsado, iyo mararka qaar oo uu dukaanka soo dhigi jiray foolkii oo si habaysan looga soo shaqeeyey.

 

Wakhtiyadii uu suuqu ugu fiicnaa wuxuu qaarkood siisan jiray kumanaan Doollar.

Mr Liu, sida laga filan karaba, wuu murugaysan yahay. “Marnaba wanaag ma dareemayo” ayuu yidhi 48 jirkaas. “Dhaqankan kumanaan sano ayuu soo jiray, haddase gacmaha jiilkeenna ayuu ku dhimanayaa” ayuu yidhi.

“Waxaan dareemayaa sidii in aan ahay qof dambiile ah. Boqol sano ka dib waxaa naloo arki doonaa dad dambi ka galay taariikhda” ayuu sii raaciyey.

Qarniyaal ka hor ayaa fool-maroodiga laga isticmaali jiray Shiinaha, ayadoo laga samayn jiray waxyaabaha la isku qurxiyo. Qarniyadii 19aad iyo kii 20aad ayuu Maroodi badan ku dhintay gacanta gumaystayaashii Yurub iyo ganacsatadii ka dambaysay ee waqooyiga Ameerika.

Baahidii ay reer galbeedku u qabeen waxyaabaha foolka laga sameeyo sida waxyaabaha ay dumarku isku qurxiyaan, kubbadaha lagu cayaaro Bilyaardiga iyo Biyaanada muusigga laga tumo ayaa Maroodigii 20ka Malyan ka badnaa sannadihii 1800 ka dhigay ilaa 2 Malyan 1960kii.

Waxaa ku soo xigay in Jabaan oo 70-meeyadii iyo 80-meeyadii uu dhaqaalaheedu aad u kobcayey loo qaadi jiray fool-maroodi badan, taasna ay sii badisay tirada Maroodiga la dilayey.

Goor dambe, 1989, ayaa si rasmi ah loo mamnuucay ka ganacsiga foolka Maroodiga.

 

 

Leave a Reply