Wiil Dhallinyaro ah oo 21 Sanno ku Noqday Milyaneer

0
282

Wiil dhallinyaro ah oo da’diisu tahay  21 sanno jir ayaa mar keliyaata isu bedelay Milyaneer, kadib markii uu ikhtiraacay  hab cusub oo loo maamuli karo laydhka guryaha ku jira, sidoo kalena looga dhigi karo kuwo laga isticmaalo xadi yar.

Wiilkan oo lagu magcaabo Yasser Khatak  ayaa ikhtiraacay nidaamkan cusub ee laydhka guryaha lagaga dhigaayo mid laga maamuli karo mobile ka gacanta, iyada oo lambadaha guriga ku jira laga bakhtiin karo lagana shidi karo mobile ka qofku sito.

Sidoo kale laydhka guriga ku jira ayaa laga dhigayaa mid waqti leh, iyada oo uu waqtigaasi marka ay gaadho is bakhtiinaayo, waxaanu wiilkaasi soo kordhiyey habab guriga ka dhigaysa mid ka bad baada Shoodhka guryaha guba iyo khasaaraha uu dabku dhaliyo.

Wiilkan oo ku nool wadanka Ingiriiska , dhalasho ahaana kazoo jeeda wadamada Islaamka ah ayaa waqtiga uu ikhtiraacay habkan cusub, waxa uu ahaa mid dhigta dugsiga lagu magcaabo Dubbed, waxaanu bad baadiyey  1.7 billion oo lacagta Ingiriiska ah, taas oo ku lumi lahayd  qarashaadka laydhka.

Qalabkan ayaa laga isticmaali karaa masaafo dhan ilaa 20 meter, waxaana lagu xidhayaa habka Wi-Fi-ga ee Mobiles ka , iyada oo amaro loogu diraayo  laydhka ku jira gurriga.

Wiilkan yar ayaa warbixin lagu qoray wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ,waxa lagu sheegay in uu ku dhashay wadanka Sucuudiga, isaga oo aabihii ka yimid wadanka Pakistan, waxaanu dhibaatooyin badan kala kulmay waxbarashada.

Waxaanu waqtigan haystaa wiilkan yari lacag dhan 125 million oo Dollar, taas oo uu ka helay nidaamkan uu ikhtiraacay.

 

Leave a Reply