Ninkii Sameeyey Gaadhiga Ruushka Ah Ee VOLVO Oo Dhintay

0
301

Waxa geeryooday ninkii aas aasay shirkadda  SUV ee soo saartay gawaadhida,taas oo ka dhisan wadanka Ruushka, isaga oo geeryooday ninkani bishii dhamaatay ee March .

Ninkan oo lagu magcaabi jiray  Piotr Prusov ayaa la iclaamiyey geeridiisa kadib markii  muddo uu xanuunsanaayey, waxaanu ku jiray dhakhtar ku yaala magaalada Caasimada ah ee Moscow.

“waxaynu weynay mid kamid ah astaamaheena, waana ninkii qaabeeyey ee sameeyey gaadhiga lagu magcaabo  SUV ama Niva oo hadda loo yaqaano LADA 4X4, waxa kale oo uu ahaa aas aasaha wershadda soo saartay  gawaadhidaasi oo ah kuwo dalkaasi laga jecel yahay”. Sidaasi waxa yidhi  Nicole Moore oo ah madaxweynaha shirkadda Otto Faz.

Warshadda kazoo shaqeeyey Khabiirkani warshadda Niva oo uu qayb weyn ku lahaa , isaga oo lasoo shaqeeyey isla shirkaddaasi sannadihii 1998 ilaa 2003, waxaanu ahaa madaxa qaabaynta ee shirkadaasi, waxa kale oo uu soo saaray gawaadhida loo yaqaano  Volga  oo uu isla iyagana lahaa qaabayntooda, waxaanu   ku guulaystay inuu wadamo badan oo caalamka ah gaadhsiiyo gawaadhi  Neva ah oo gaadhaaya 2.5 gaadhi  .

Sannadkan aynu ku jirno waxa uu ahaa la taliyaha madaxweynaha shirkaddaasi , isaga oo sidoo kalena la taliye u ahaa qaybta shaqaalaysiinta ee shirkaddasi.

Waxaana warka dhimashada khabiirkaasi wargeyska Russia Times oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan u xaqiijiyey madaxweynaha shirkadaasi  Neva .

Leave a Reply