Duuliye Caan Ka Ahaa Maraykanka Oo Geeryooday Isagoo Diyaarad Hawada Ku Jirta Wada

0
296

Mid kamid ah duuliyeyaasha diyaaraddaha ee caanka ka ahaa wadanka Maraykanka ayaa geeryooday, waxaanu geeryooday isaga oo hawada ku jira.

Diyaarad ay lee dahay shirkadda diyaaraddaha ee  American Airlines , waxaana arbacaddii kadib markii uu diyaaradaasi kazoo  duuliyey magaalada Dallas ee wadankaasi Maraykanka, kuna sii jeedey magaalada Al Buquerque isla dalkaasi.

Diyaaradan uu waday ayaa ahayd  diyaarad nooceedu ahaa Boeing 737-800, waxaanay diyaaraddani u soo cago dhigatay si deg deg ah, kadib markii uu ogaadey  kabtanka diyaaraddu inuu geeryooday duuliyihii diyaaraddaasi.

Waxaanu ku wargeliyey rakaabkii diyaaradda inay xaalad deg deg ahi jirto oo uu diyaaradda u fadhiisin doono, waxaana sidaasi u sheegay afhayeen ka tirsan shirkadda American Airline oo u waramaayey wargeyska Washington Post oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan.

Waxaana markiiba la wareegay diyaaradan  Kaaliyihii duuliyaha diyaaradda , isaga oo ku guulaystay inuu diyaaraddaasi soo fadhiisiyo,mana jirto wax dhibaato ah oo ka dhalatay dhacdadan.

Ninkan duuliyaha ah ayaa lagu magcaabi jiray William Grubbs, waxaanu diyaaradaha American Airline u shaqaynaayey laga soo bilaabo ilaa sannadkii 2015 kii, isaga oo geeryooday xili habeennimo ah oo uu duulimaad ku jiray.

Leave a Reply