Yurubta Barri Waxa Dadku u Dhintaan Wasakhowga Hawadda

0
280

Khubaro ka socotay jaamacaddo ku yaala wadamada Canada, Chine,Britain iyo Maraykanka ayaa daraasad ay dhowaan soo saareen oo ku saabsanayd arrimaha degaanka iyo wasakhowga hawada ayaa soo saaray natiijada daraasadaasi.

Khubadan oo qiimayn iyo xisaabin ku sameeyey dhimashada ka dhalata wasakhowga hawada ayaa sheegay in dadka ugu badani ugu dhintaan caafimaad darada ka dhalata wasakhowga hawada wadamada ku yaala Barriga Qaaradda Yurub.

Khubaradan ayaa natiijada daraasadan ku qoray wargeyska lagu magcaabo Nature oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan  kana hadla arrimaha degaanka, waxaanay sheegeen  in sannadkii 2007 dadka u dhintay wasakhowga hawadu ay gaadheen  tiro dhan 3.45 million oo qof .

Dadkan ayaa u badan kuwa ku nool wadamada  Barriga Qaaradda Yurub, kuwaas oo wadamadoodu yihiin kuwo  tayada goobohooda caafimaad yihiin kuwo ay aad u hooseeyaan.

Tusaale ahaan dadka ku dhintay wadamada  Japan iyo Kooriyadda Koonfureed  ayaa lagu sheegay inay yihiin 31,000 oo qof, kuwaas oo sababtoodu tahay waxyaalaha kazoo baxa  wershadaha , iyada oo sidoo kalena qiiqa hawadu uu gudbo masaafo aad u fog oo kumanana kilometer ah.

Barriga wadamada Yurub ayaa dadka ku dhintay yihiin ilaa 47,000 oo ruux, kuwaas oo sababtay u dhinteen lagu sheegay qiiqa iyo saamaynta ay wershadaha wadamada Galbeedka Yurub  ku sameeyeen hawada wadamadaasi.

Dhanka kalena warshadaha dalkaasi Maraykanka ku yaala ayaa la sheegay inay dileen dad gaadhaaya ilaa 2.3,000 oo qof , kuwaas oo ku dhintay guddaha wadankaasi Maraykanka meelo badan oo kamid ah .

Dhimashada ugu badan ayaa iyaduna ka dhalata wershadaha wadanka Shiinaha, iyada oo ay ku dhintaan sannad walba 1.19 million People, kuwaas oo ah kuwa u dhow dhow goobaha wax soo saar ee wershadahaasi ku yaalaan.

Wadanka Ruushka ayaa isna ah wadanka ay kaalintiisa 5-naad ku jirto dhibaatada wershadaha ka timaadaa marka loo eegaayo dhimashada dadka dalkaasi waxyaalaha keena, waxaana wadamada ugu saamaynta yari noqdeen wadamada Latin Amerika iyo wadamada Afrika, gaar ahaana wadamada ka hooseeya Saxaraha.

 

 

 

Leave a Reply