Akaadamiga Handhis oo Cumar X.Xuseen Cumar Xaashi ku Maamuusay Bilad Sharaf

0
510

Maamuluhu waa qof muuqda oo la wada arki karo waxtarkiisa, waana sida dayaxa oo kale, laakiin Hogaamiyuhu waa qof muuqda,oo la wada arki karo sida dayaxa oo kale, laakiin muuqashadiisu waa mid la wada dareemi karo waana sida qoraxda. Qoraxdu waa mid iftiinkeeda la arki karo, kulkeedana la dareemi karo, dayaxuna sidoo kale waa mid iftiinkiisa la arki karo, aan se kulkiisa la dareemi karin. Dayaxa iyo qoraxdu waxa ay wadaagaan waa iftiin, laakiin waxa qudha ee ay ku kala duwan yihiin waa kulka. Sidaasi darteed, cumar waa qorax. Maamulaha iyo hogaamiyuhuna waxa ay wadaagaan shaqada laakiin waxa qudha ee ay ku kala duwan yihiin dareenka iyo fogaanta fahanka. Qaaciidada guud ee hogaamintuna waa dareenka iyo fahanka qotada dheer ee u dhexeeya hogaamiyaha iyo la hogaamiyaha. Cumar waa hogaamiye sifahaas leh. Oo mustaqbalkiisa ku hantay edeb, afgaabni, aqoon, karti, alle ka cabsi iyo isdhuldhigid. Cumar waa shakhsi hiil leh, waa shakhsi nafhur iyo nafqaybsi leh oo gacan siiya kuwa guulaysanaya. Cumar waa shakhsi akhriyi kara waayaha wajigaaga ku qoran; adoon hadlina garan kara waxa aad damacsantahay. Cumar waa hogaamiye dhab ah oo la isku halayn karo; looguna soo hagaagi karo hogaaminta ay soomaaliland maanta u baahantahay. Hogaamiyaha dhabta ahi waa ka dadkiisa jecel, dadkiisuna ay jecel yihiin. Siyaasi kastaa hogaamiye ma aha, ganacsade kastaa hogaamiye ma aha, caalim kastaa hogaamiye ma aha, professor kastaana hogaamiye ma aha laakiin hogaamiyenimadu waa ta laguu garto ee ma aha ta aad adigu isu garato.

Saamaynta  hogaamiyuhu waxa ay ku xidhantahay, shaksiyadiisa, xidhiidhka uu bulshada la leeyahay, garashadiisa, sida uu uga damqado dhibaatada kuwa kale haysata, waayo-aragnimadiisa, guulihii uu hore u xaqiijiyey, iyo kartidiisa hogaamineed ee uu ku higsan karo xaqiijinta himilooyinkiisa mustaqbal. Cumar waa hogaamiye shakhsiyad wanaagsan leh, xidhiidh wanaagsan la leh bulshadiisa—illaahay garasho siiyey oo ka damqada dhibaatada kuwa kale haysata—leh waayo-aragnimo hogaamineed; horena u soo xaqiijiyey guulo la taaban karo, kaas oo leh karti hogaamineed oo uu ku higsado xaqiijinta himilooyinkiisa mustaqbal.

Cumar amaanta ma jecla, laakiin xaqiiqadu isma qariso. haybadu samada ayey ka timaada; waxana ku hadaaqa uumiyaha arlada ku nool, waayo Soomaalidu waxa ay tidhi, “Jaarkaagu waa ilaalo aan laguu diran” ama “Jaarkaagu kuma caseeyo; kumana madoobeeyo ee wuxuunbuu sheegaa shakhsiga aad tahay”. Cumar waxa uu kamid noqondoona shakhsiyaadka taariikhda dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee Soomaaliland wax weyn ka taridoona; weliba waxa aan qabaa hadii eebe ahaysiiyo in cumar uu kamid noqon doono iftiinkii mugdiga ka dambeeyey ee uu sii sheegay (AHU) Prof.Ibraahim Maygaag Samatar. Dhalinyarada Akaademiga Handhis waxa ay cumar uga mahad celinayaan doorkii muuqdey ee uu ku lahaa bandhigii buugga ISIR. Buuggaas oo dadka ku xeeldheer diinta, dhaqanka, dawladnimada iyo afka soomaaligu ay ku macneeyeen hiil qaran iyo guul u soo hoyatey dadka afka soomaaliga ku hadla ee diin iyo dhaqanba wadaaga. Sidaasi darteed, dhalinyarada Akaademiga Handhis, Cumar X.Xuseen Cumar Xaashi iyo Marwo Nafiisa Yuusuf Maxamed oo door weyn ku lahayd bandhigii buugga ISIR, waxa ay u garteen in ay ku maamuusaan Bilad sharafeed.

 

Akaademiga Handhis, Xaruntiisa Hargaysa

E-Mail: hdhacademy@gmail.com Phone: 063-4044827/063-4482831/063-3347232

Leave a Reply