Buhoodle: Sagaal Qof oo u Dhintay Xanuunka Shuban Biyoodka 48 Sacadood Gudahood

0
302

Buhoodle (Dawan)- Sagaal qof ayaa u geeriyooday Xannuunka shuban biyoodka oo ka dilaacay gobolka Buhoodle ee bariga Somaliland, waxaanay dadkaasi geeriyoodeen siddeed iyo afartankii saacadood ee ugu danbeeyey. sida uu Wargeyska Dawan u xaqiijiyey Dr. Maxamed Cabdi Faarax (Qudus)

Dadka shuban biyoodka u dhintay waxa ay isku jiraan lix qof oo dad waaweyn ah iyo saddex qof oo caruur ah, waxaana u jiifa cisbitaalada dad ka badan soddon qof guud ahaan degmada Buhoodle.

Dr. Maxamed Cabdi isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shubanku waxa uu socday todobaad, waxa uu bilaabmay Axadii hore, dhimashada illaa hadda dadku waxa ay sheegayaan 13 qof, balse anaga waxa noo diwaan gashan sagaal qof oo lix yihiin dad waaweyn, saddexna caruur, dadka Cisbitaalada la soo jiifiyey waa soddon qof , maanta dad uu soo ritayna waa jiraa.”

Dr. Qudus ayaa ka hadlay goobaha lagu dawaynaayo dadka uu soo ritay xanuunka shuban biyoodka ee ka dilaacay gobolka Buhoodle waxaanu yidhi “Meelaha dadka loogu shaqaynayaa waa MCH-yada, waxaa kaalin fiican ka qaatay cisbitaalka Buhoodle Health Center oo dadka inta badal lagula tacalaayo.”

Dhakhtarka oo aanu waydiinay in ay jiraan wax gacan qabasho ah oo ay ka heleen Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Ha’yaddaha ka shaqeeya Caafimaadka, waxa uu yidhi “Waxaanu gacan qabasho ka helnay Ururka Somali Aid Society oo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland hoos taga waxaana gacan dhaqaale siisa hay’adda UNCEF , Wasaaradda Caafimaadka xaalada waan gaadhsiinay oo gurmad degdeg ah ayaan ka sugaynaaa.”

Dr. Maxamed ayaa sheegay in xanuunku gobolka ka soo galay dhinaca xuduuda uu la wadaago Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo roob ka da’ay degaanka xilli ay jirto abaar adag waxaana uu u yidhi “waxa uu ka dilaacay oo ka soo faafay dhinaca xuduuda aynu la wadaagno dalka Itoobiya, dadka inta ugu badan waa dad dibadda kaga yimid Buhoodle, Cisbitaalada dadka jiifana waa dad waaweyn waxaan u sababay xaalada abareed iyo roob yar oo maalin ka da’ay magaalada.”

Dhinaca kale Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa ka maragkacday in sagaal qof xanuunka shuban biyoodka ugu naf waayen gobolka Buhoodle, siddeed iyo afartankii sacadood ee u danbeeyey.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxamuud Aadan Jaamac ayaa xaqjiiyey in uu ka jiro degaanka Buhoodle xanuunka shuban biyoodka Waxaana uu yidhi “Siddeed iyo afartankii sacadood ee u danbeeyey sagaal qof ayaa u dhintay, waana wax had iyo goor marka abaaruhu si balaadhan u dhacaan ay keento nafaqo darro iyo awood darro.”

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply