Murran Siyaasadeed oo ka Taagan Koonfur Afrika

0
285

Goob  baroordiiq loogu  samaynayay Ahmed Kathrada oo dalka Koonfur Afrika ka ahaa halyey ayaa isu rogay meel lagu dhaleeceeyo Jacob Zuma.

Goobta ay tacsidu ka dhacaysay ayaa laga jeediyey hadalo looga soo horjeedo talaabadii uu Jacob Zuma ku eryey wasiirka maaliyada.

Pravin Gordhan ayaa ahaa nin si weyn looga tixgeliyo dalkaas Koonfur Afrika.

Jacob Zuma ayaa ninkan ku badalay Malusi Gigaba oo hadda noqday wasiirka maaliyada ee Koonfur Afrika.

Mr Gordhan oo hadlay ayaa sheegay in dalka Koonfur Afrika uu galay xaalad qasnaan ah.

Tacsida loo sameeyey halyeygan dhintay ayaa waxaan iman madaxweyne Zuma oo loo sheegay in aanu ka soo qayb galin.

Dalka Koonfur Afrika ayaa hadda gallay xaalad cusub oo siyaasadeed iyadoo eedo badan loo jeedinayo madaxweyne Jacob Zuma.

Sidoo kale waxaa jirra in xisbiga talada haya ee ANC xubno ka tirsan ay madaxweyne Zuma ku eedeynayaan jahwareerka taagan.

 

Leave a Reply