‘Waxaanu Shacbiga u Caddaynaynaa In Aanay Jirin Dad Xubno Lagala Baxay’

0
292

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa meesha ka saaray jiritaanka warar bulshadu si wayn u hadal hayso oo la xidhiidha in Somaliland uu ka dilaaceen budhcad jidhka bini-aadamka dhacaysaa.

 

Wasiirka Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo lagu khalkhalgalino amniga dalka isaga oo guud ahaanba meesha ka saaray jiritaankooda, waxaanu dadweynaha ugu baaqay in aanay dhag jalaq u siin.

 

Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo shalay ka hadlay munaasibad loo qabtay kormeer uu Madaxweyne Siilaanyo ku tagey xarunta taliska booliska iyo xarunta ciidanka birmadka ayaa sheegay in aanay jirin khatar amni oo dalka haysta, waxaanu yidhi  “Maalmahan waxa soconayey oo warbaahinteena ka socday warar laysla dhex marayo oo tilmaamaya in dadka la dhacayo, in dadka kalyaha, beerka iyo xubno kale oo muhiim ah lagala baxayo, wararkaasi aadbay bulshada ugu badan yihiin, gaar ahaan warbaahinta bulshada (Social media). Waxaan warbaahinta bulshada ku arkayey talaagad kaliyo yaryar oo badani ku jiraan oo meel laga soo sawiray aynaan garanayeyn, warkaas oo aan xaqiiq ku dhisnayn oo la leeyahay talagadaasi caasimada Hargeysa ayey yaalaan, Somaliland-na waxay noqotay hoy dadka lagu qasho, meel dadka qurub-qurub loogu goosto, dad dhalinyaro ah ayaa waxaas faafinaya, shacbi badan ayey saamaysay oo baqe kashooda galisay, dad badan ayaa caruurtoodii iskuulka kala baqay, arintaa iyada ah markii ay soo baxeen guddiga nabadgalyada qaranku kulan degdeg ah ayuu ka galay, waxaanu u qaadanay si dhab ah, waayo halisa si dhab ah ayaa loo qaataa lama dhayalsado.”

 

Wasiirka Madaxtooyadda oo sidoo kalena ka tirsan guddiga qaran ee Nabadgalyada ayaa ka hadlay sida ay Xukuumad ahaan ugu fal celiyaan wararkaasi waxaanu yidhi “Hawl galo ballaadhan ayaanu samaynay, waxaanu dirnay dambi baadhayaal khibrad leh, saraakiil, dharcad iyo siyaasiyiinba, si gaar ah gobolka togdheer oo arintaasi ku badan tahay iyo Caasimadaba, waxaanu shacbiga Somaliland u xaqiijinaynaa in wararkaa lays la dhexmarayo ee warbaahinta bulshada lagu qorayaa, ee baqaha lagu galiyey ee la leeyahay dad 130 qof ah baa la la yahay, ee la leeyahay dad baa xubno lagala baxay, waxaanu shacbiga Somaliland u cadaynaynaa Xukuumad ahaan in aanay waxaa waxba ka jirin. Hal qof oo qarankan ka maqan oo aan meel lagu ogayni ma jiro, waxaanu cadaynaynaa in aanay jirin hal qof oo xubin jidhka ah lagala baxay, oo la hayo isaga oo wax ka maqan yihiin, arrintaa iyada ah waanu ku celcelinayaa, maaha difaac. Haday khatar nabadgalyo timaado waxaanu nahay Xukuumaddii shacbigan kama qarinayno, waa in aanu shacbiga u dignaa, waa in aanu waaninaa, habkay ugu baxsanayaan waa in aanu u sheegnaa, waxa se aanu leenahay waa arrintaa waxba kama jiraan.”

 

Wasiirku wuxuu intas ku daray ayaa in aanay jirin muwaadin ilaa hada la diiwaangaliyey oo u maqan tuugadaasi la sheegayaa, waxaanu yidhi “Hal qof oo dayacan oo shacbiga ka maqani ma jiro, hadduu jiro ha noo sheego qoyskuu ka maqan yahay qofkaasi, waanu cariynaynaa, waxa jiray ilaa iyo kobyo labaatan dhacdo oo ciidamada amaniga loo sheegay oo arimahaa ku saabsan, kobyo labaatankaa dhacdo kiis kiisbaanu u haynaa, magacyadoodaanu haynaa, mid walba wuxuu ku waryeeshay ayaanu haynaa, shan dhacdo oo kaliya ayaa wax ka soo qaad yeeshay,  guddiga nabadgalyadu arrintaa gacanta ayey la gashay mid kaliya oo arrimhaas la sheegayo la xidhiidha ma jirto.”

 

Wasiir Xaashi ayaa waxa uu sheegay in aanay suuro gal ahayn inay dawladu shacbigeed ka qariso khatar amni oo dalka ka taagan waxaanu yidhi “Maalin dhawayd Taliyahu markuu deedafeeyey-na waxaan arkayey dhawaaq weyn oo soo baxay oo laga dhigayo xaqiiqo daaha la saarayo, haday khatari qarankan ku timaado ciddina daaha ma saari karto, khatar aan qarankan haysana cidi kuma abuuri karto, kasha shacbigana cidi ma bajin karto, waa shacbi yaqaana khataraha yimaada.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply