Aliko Mohammed Al-Haji Xasan Dangote wuxu ku dhashay gobolka Kano ee dalka Naygeriya sanadkii 1957. Wuxu ka soo jeeda qoys maalqabeen ahaa, awowogiina wuxu ahaa ninka ugu qanisan Muslimiinta Nageriya waagaasi.
Aliko oo aabihii iyo awowgiiba ahaayen maalqabeen ayaa wakhtgan isna ah ninka Africa ugu qansin. Wuxu sheegay inuu hantidiisa gaarka u leyahay ka bilaabay isagoo iibina jiray xalwadda laakiin uu ku fikir jiray inuu noqdo maalqabeen.
Wuxu ka qalin jebiyaya cilmiga ganacsiga, Aliko oo ah ninka Africa ugu taajirsan wakhtigan waa 60 jir, wuxu leeyahay shirkada ugu weyn galbeedka qaarada Africa Ee magaceda lagu magcaabo Dangote Group, waxaana la aas aasay 1977-kii. Waxa shaqaale ka ah dad ka badan 26,000 oo qof.
Waxyaabaha ay ka ganacsato shirkadiisu caanka ah waxa ka mdi ah sibidhka, Sonkorta, milixda, daqiiqda, biraha, saliida iyo shidaalka iyo qalabka farsamooyinka gacanta. Sido kale adeegyada ay bixiso waxaa ka mid ah raridda badeecoyinka “Logistics” iyo iibinta guryaha “Real Estate”. Sanadkii 2016 wuxu noqday kontonka qof ee Africa ee ugu maalqabeensan Afrika kan ugu horeeya waxaana hantida noqotay 15.1 Billion dollars.
Dangote Group, xarunteedu waxay ku taala magaalada lagos ee dalka Nigeria, laakiin waxay xarumo ku leedahay wadamada Africa ee Senegal, Cameroon, Ghana, South Africa, Togo, Tanzania, Ethiopia iyo Zambia.