Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay Aas Qaran oo Lagu Sagootiyay Halyey Ummada ka Baxay

0
260

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay ka qaybgalay aas qaran oo Xabaalaha Xeedho ee duleedka magaalada Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Cabdikariim Xaashi Cilmi oo dhawaan ku geeriyooday dalka Hindia, shalayna maydkiisa la keenay dalka. waxaanu Aaska Marxuumka ahaa mid heer qaran ah oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan masuuliyiinta Asxaabta qaranka, Golayaasha Qaranka, Ciidammada Qaranka iyo Bulshada Qaybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka hadlay shaqsiyada Marxuum Cabdikariim Xaashi Cilmi, waxaanu ku tilmaamay in uu ahaa nin waddani ah, isla markaana dalkiisa u dhintay, waxaanu yidhi, “Cabdikariim Xaashi Cilmi Illaahay naxariis iyo jano ha ka waraabiyo, Samir iyo iimaan ehelkii , qoyskii iyo qaranka uu ka baxay haka siiyo , nin waddaniya oo dalka u dhintay ayuu ahaa”

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna tilmaamay kaalinta halgan ee uu waddanka ku lahaa Marxuumku, waxaana uu yihdi “ Cabdikariim Xaashi Cilmi wuxuu ahaan nin Mujaahid oo taariikh wanaagsan oo halgameed oo aqooneed oo dadnimo oo asluubiyad lahaa, dagaalkii Burco Duuray wuxuu ahaa ku xigeenkii Mujaahid Lixle, markii la dilay Lixle wuxuu la wareegay taliskii ciidanka maalintaa ilaa 1991-kii taliye ciidan ayuu ahaa ilaa dalka la soo galay, ninkaasi dagaal iyo xabad ayuu dalkiisa ugu jiray.”“

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dhinaciisa Marxuumka ku tilmaamay in uu ahaa Masuulka keliya ee qalinka madaxweynuhu Ka xishooday xilliyadii uu sameeyey isku shandhayntii golihiisa Wasiiradda Waxaana uu yidhi “Cabdikariim waligii isaga oo dan gaar ah u socda lama arag, wuxuu ahaa agaasimhii guud ee Wasaarada Gaashaandhiga, muddo dheer buu xilkaa hayey, wuxuu ahaa agaasimaha kaliya ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ugu yimid xilka, ee uu ka reebay badalkii agaasime-yaasha guud ee xilka hayey. Waa masuulka kaliya ee qalinkiisu uu ka xishooday, waxaanu ku xurmaynayey waxay ahayd Aqoontuu u lahaa, karaamaduu ummaddan ku lahaa, xurmaduu lahaa, wali isaga oo dan gaar wata, Madaxweynaha iyo Madaxtooyada ma iman, dan guud iyo tallo guud mooyee, qofkaas ayuu ahaa, noloshana waanu ku naqaanay aaska iyo xabaasha uun ku amaani maynee.”

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeyo Guuto Nuux Ismaciil Taani ayaa ku sifeeyey in uu ahaa masuulka keliya ee ay sida wanaagsan raali uga ahayeen shaqadiisa waxaana uu yidhi“ Nin aad loo qadariyo oo sharaf badan ayuu ahaa Marxuum Cabdikariim anagu waanu wada shaqaynay inta badan , labadayaduba ciidan ayaanu ahay wakhtigii hore, isna ciidamada cirka ayuu ahaa ana ciidamada dhulka, laakiin intii aan Wasaaradda gaashandhiga joogay ayaan shaqo iskugu nimid, aad ayaan raali ugu ahayn , waxaan tacsi ugu dirayaa dhammaan ciidanka Somaliland iyo Wasaaradda gaashandhiga oo uu ka tirsanaa, ehelkiisi iyo qarankaba , anagana Illahay Samir iyo iimaan ha naga siiyo isna janada ha ka waraabiyo.”

Dhammaan madaxda iyo masuuliyiinta ka qayb galay aaska Marxuum Cabdikariim Xaashi Cilmi ayaa ku sifeeyey geesi sumcad , sharaf iyo halgan adag ku lahaa dalkiisa, maantana u god galay waxaanay marxuumka ugu baryeen in Illahay Naxariis iyo Jano ugu deeqo ,ehelkii iyo qaranka uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo Inaa lillaahi wa inaa Ilahayhi rajucuun.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply