Madaxweyne Siilaanyo oo Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay Madaxweynihii Hore

0
271

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Md. Axmed Maxamed (Siilaanyo),ayaa habeen hore  kulan casho sharaf ah ku qaabiley Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ay wehelinaysay Marwadiisa Hudda Barkhad Aadan.

Kulanka casho sharafeedka ah ee Madaxweynaha Somaliland qasriga Madaxtooyada uu ku qaabilay Madaxweynihii hore ee uu xilka kala wareegay iyo marwadiisa,oo aan ahayn kii ugu  horreeyay ee Madaxweyne Siilaanyo uu ku qaabilo Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin. Kulanka Madaxweyne Siilaanyo iyo Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynihii hore ayay goob joog a ahaayeen Marwada Koowaad ee Somaliland, Marwo Aamina-weris Sh. Maxamed Jirde, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada Axmed Xaashi Cabdi, Safiirka Somaliland u fadiya Imaaraadka, Amb Baashe Cawil Cumar, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane Cali Axmed Cali, iyo xubno kale.

 

Kulankan ay  wada yeeshaan madaxweynaha hada tallada haya iyo madaxweynihii hore, tan iyo intii ay xilka la kala wareegeen badhtamihii sanadkii 2010 kii,ayaa ahaa mid ka turjumaya wada jirka iyo isku duubnaanta umadda reer Somaliland iyo in aanay Somaliland ka jirin colaad siyaasadeed iyo mid shaqsiyadaeed balse Somaliland ay ka jirto oo keliya tartan siyaasadeed oo xlligeeda oo kaliya ku eg isla markaana hadba cidda guulaysata lagu hambalyeeyo loona hanneeyo. Hoggaaminta dalka la isna bar bar taago.

Waxaa kale oo ay ka turjumaysaa kulanka iyo qaabilaada Madaxweyne Siilaanyo u sameeyay Madaxweynihi hore Rayaale bisaylka siyaasadeed ee Somaliland marayso oo ah mid ka duwan gabi ahaanba qaarada Afrika oo aanay suura gal ka ahayn in Madaxweyne uu casuumo ama qasriga Madaxtooyada uu ku qaabilo Madaxweynihii uu talada kala wareegay,waxaaan inta badan Afrika kaba dhicin in Madaxweyne Xilka ka degay uu dalkiisa sii joogo amma socdaalo uu ku yimaado.

Laakiin Somaliland,ayaa noqotay dal ka dhaqan duwan siyaasad ahaan qaarada iyo mandaqada ay ku taallo oo inta badan ay ka dhacdo colaad siyaasadeed iyo is arki kari waa ka dhex taagnaada madaxda talada dalalkooda ku tartantay eek u kala adkaatay,waana hannaan siyaasadeed dimuquraadiyadda Somaliland iftiiminaya oo caddaynaya in dimuquraadiyad iyo tartan xaqiiq ah oo aan godob siyaasadeed lahayn iyo hannaanka xisbiyada badan in ay Somaliland tahay dalka ugu horumarsan qaarada Afrika.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply