Michael Keating oo ka Hadlay Waxqabadkooda Abaarta ku Laxaadsatay Deegaannada Jamhuuriyadda Somaliland

0
285

Hargeysa(Dawan)- Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay ee u qaabilsan  Somaliland iyo  Soomaaliya Mr. Michael Keating, ayaa shaaca ka qaaday inay sare u qaadi doonaan wax-ka-qabashada abaaraha iyo sidii dib-u-dejin loogu samayn lahaa dadkii ku tabaaloobay.

Mr. Keating iyo wefti uu hoggaaminayey oo booqasho laba maalmood ku yimmi Jamhuuriyada Somaliland, ayaa la kulmay  Madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka tirsan xukuumadda, Guddiga qaran ee Taakulaynta abaaraha iyo Ururrada Bulshada.

Wakiilka Xoghayaha QM oo ka hadlayey xaalada abaaraha iyo kaalinta ay ka qaadan karaan wax-ka-qabashadeeda ayaa yidhi, “Shacabka Somaliland waa inaanay la kulmin xaaladan oo kale mardambe. Waxaanu ka hadalnay sida wax looga qaban karo iyo sidii dadku uga soo kaban lahaayeen. Waxaan sidoo kale ka hadalnay sidii loo ballaadhin lahaa waxqabadka hay’adaha QM ee Somaliland.” Ayuu u sheegay saxaafada, kulan dhexmaray Madaxweynaha JSL ka dib.”

Wadaxaajoodka dhexmaray madaxda Somaliland iyo weftiga QM ayaa lagu soo qaaday sidii loo kordhin lahaa taageerada lagaga jawaabayo waxyeelada abaaraha iyo bulshada ay saameeyeen.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay kulanka dhexmaray wefdiga QM ayaa ku booriyey beesha caalamka iyo hay’adaha QM inay kordhiyaan taageeradooda Somaliland iyo wax-ka-qabashada xaalada abaaraha.

Wefdiga Mr. Keating ayaa booqasho ku tegay deegaanka Laaca, oo 70 Km u jirta Hargeysa, goob ururka HEAL ku qeybinayey biyo ay maalgelisay UNICEF qoysas gaadhaya laba kun iyo todoba boqol.

Axmed cabdi Jaamac oo ka mid ah odeyada dadka abaarahu saameeyeen eek u soo qaxay deegaanka ayaa codsaday in wax la taro dadka soo baro-kacay, waxaanu yidhi,

“Waxaan codsanaynaa taageero raashin la siiyo dadka deegaanka iyo dadkayaga soo baro-kacay,” ayuu Axmed sheegay.

Wasiir Dr. Sacad oo ku wehelinayey Mr. Keating socdaalka deegaanka Laaca ayaa u bogaadiyey hay’adda unicef waxtarka dadka abaarahu saameeyeen.

Sheekh Khaliil Cabdillahi Axmed, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, oo ka mid ah Guddiga Qaran ee Taakulaynta Abaaraha ayaa sheegay in dad gaadhaya 1.5 milyan oo qof saamayn ku yeelatay abaarahu. Waxuu sheegay in xukuumadda Somaliland qorshaynayso inay siiso dhaqaale gaadhaya $60 qoysaska abaaruhud tabaaleeyeen, laakiin dhaqaale la’aan u bilaabi waayeen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply