Miyaanad Heli Karin Xalka Dhibaatada?

0
347

Markii maxkamaddu ku xukuntay dilka labadii eedaysane , waxay raacisay in go’aanka dilka la fulin doono bil ka dib. Labadoodii midkooda aad ayuu u niyad jabay , waxaana uu fadhsiitay xagalaha Jeelka isagoo ooyaya.

Maxbuuska kale dan sidaasi kamalahayn wuu iska degenaa waxaana uu aad uga fekerayay sidii uu dilka uga badbaadi lahaa ka hor fulintiisa. Markii uu aad u fekeray wuxu xusuustay in boqorku jecelaa Faraska suuqyadana ku mari jiray.

Subixii danbe ayuu u yeedhay askartii Jeelka waxaana uu ka codsaday inay doonayaan labadan maxbuus inay arkaan boqorka oo loo ogalaado. Askariga ayaa markii hore diiday laakiin haddana mar danbe ayuu boqorka u geeyay warqada codsigooda.

Boqorka ayaa isna ogolaaday la kulankooda madaama dil ku xukuman yihiin.. Markii ay la kulmeen Boqorka ayaa weydiiyay maxaad iga codsanaysaan? . Maxabuuska mufakirka ahaa ayaa ku yidhi “ Boqor waxaan kuugu nimi, inaan kuu sheego inaan Faraska aad suuqa ku marto aan bari karo sidii uu u duuli lahaa, sanad gudihii, adiguna aad dilkayaga dib u dhigto!”

Boqorka ayaa markiiba ogolaaday oo sawirtay isagoo Faraska fuushan oo hawada socda. Maxbuuska labaad aya arinkan la yaabay oo ku yidhi “ Waar maxaad sidaasi u tidhi, ma adigaa faraska bari kari kara duulista?!

Maxbuuska caqliga badan ayaa ku yidhi” Haa, waan ogahay in aanu duulayn laakiin afar arrimood ayaan ka faa’idayna :

 

Waxa laga yaaba sanadkaasi gudihiisa inuu boqorku dhinto, ama aniguba aan dhinto iyadoon la i deldelin. Waxa kale oo dhici karta in Farasku dhinto. Aama anigu awoodo inaan baro duulitaanka.  Maxaa diidaya inay afartaasi midkood dhaco? Sidaasi ayaanay dadka caqliga lihi aanay isugu dhiibin dhibaatada ee ay isku dayaan inay xal u helaan.

 

Leave a Reply