Wasiirka Qorshaynta oo Isgaadhsiin Casri ah iyo Gaadhi ku Wareejiyay Guddida Doorashada

0
301

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda qorshaynta qaranka Maxamed Ibraahim Qabyo-tire ayaa shalay ku wareejiyay komishanka doorashooyinka qaranka gaadhi iyo qalab isgaadhtiineed oo casri ah, kuwaasi oo loogu talo galay in loogu adeego hawlaha doorashooyinka.

Maxamed Ibraahim Qabyo-tire ayaa waxa uu sheegay in qalabkan isgaadhsiineeed iyo gaadhigan ay ku wareejiyeen guddida doorashooyinka qaranka uu wax wayn ka tari doono qaybinta kaadhadhka diwaangalinta codbixiyayaasha iyo isku xidhka koomishanka, waxaana uu carabka ku adkeeyay xukuumad ahaan in ay ka go’an tahay in doorashadda madaxtooyaddu wakhtigeedii ku qabsoonto.

Wasiirku isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maanta (shalay) waxa aan ku wareejinaynaa Komishanka doorashooyinka qaranka isgaadhsiin casri ah oo aan isleenahay wax badan ayay ka anfacaysaa, maadaama iminka ay doonayaan in ay qaybiyaan kaadhadhka diwaangalinta codbixiyayaasha, qalabkaasi waa qalab casri ah oo ay ku wada hadli doonaan koomishanka iyo shaqaalahooduba, waxa kale oo aanu koomishanka ku wareejinaynaa gaadhi Bikab ah oo loogu talo galay in uu isgaadhsiintaa ka qayb qaato, waxaana xukuumad ahaan aanu diyaar u nahay in doorashada madaxtooyaddu wakhtigeedii ku dhacdo”.

Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warasame ayaa waxa uu uga mahad naqay wasiirka qorshaynta isgaadhsiinta iyo gaadhiga uu ku wareejiyay, waxaana uu ku amaanay wasiirka qorshaynta sida uu u garabtaagan yahay Koomishanka doorashooyinka, waxaanu yidhi “waxa aan kala wareegnay wasiirka qorshaynta qalab isgaadhsiineed oo dhamys tiran oo aan kaga hawl gali-ndoono qaybinta diwaangalinta codbixiyayaasha iyo gaadhi Biikaab ah, waxaanan wasiirka uga mahad naqayaa sida uu u garab taagan yahay Koomishanka doorashooyinka qaranka, hadday tahay wakhtigii uu guddoomiyaha uu ka ahaa gobalka Togdheer, sidaas ayaanu noola shaqaynayay, wakhtigii aan diwaangalinta codbixiyayaasha ka wadnay gobalka Togdheer, waana sii socotaa abaal wayn ayaanu nagu leeyahay wasiirku haddaanu nahay komishanka doorashooyinka qaranka, waxa kale oo aan u mahad naqaynaa wasiirada kale ee koomishanka la shaqeeya sida wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo wasiirka madaxtooyadda oo madaxweynaha wakiil uga ah iyo in uu madaxweynuhu ka tago in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah taas ayaan ku shaqaynaynaa, waxaanan ka codsanaynaa xisbiyadda iyo dadweynaha in ay nagala shaqeeyaan sidii hawshaasu u suura gali lahayd.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply