“Waxaan u Caddeynayaa Khaatumo in Wadahadalkii ay wax Badani noo Qabsoomeen”

0
261

Buuhoodle (Dawan)- Aqoonyahan Maxamed Aadan Mahdi (Baayer) oo ka mid ah Ergada kooxda Khaatumo u qaabilsan wadahadalada ay Somaliland kula jirto kooxdaasi ayaa sheegay in shirarkii Jabuuti iyo Addis Ababa ay ka soo baxeen qodobo waawayn oo midho dhal ah, isla markaana laga gaadhay is afgarad ballaadhan oo labada dhinac ah.

Maxamed waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Buuhoodle, waxaanu kaga xog waramay halka ay marayaan wadahadaladaasi iyo waxyaabaha u qabsoomay kulamadii ay la yeesheen xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ka qabsoomay Addis Ababa iyo Jabuuti.

Aqoonyahan Maxamed (Baayer) isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi ”Is araggii u horreeyey wuxuu ahaa kii Addis Ababa, waxa kale oo jiray guddi kale oo ahaa guddi farsamo oo gogoshiisa ay Jabuuti noo dhigtay, kaas oo ay ku lafa gurayeen dabcan qodobada ay isla soo hor fadhhisan doonaan dhinacyadu waxaanu ahaa gogolxaadh, waxa kale oo laba ku ahaa kulankan aanu hadda ka soo laabanay ee ka dhacay Jabuuti, waxaana ka horreysiinayaa mahadnaq balaadhan oo aan hawada u marinayo dawlada Jabuuti iyo madaxweynaheeda Ismaaciil Cumar Geelle oo runtii u hagar baxay qabsoomida shirka iyo gogosha ay noo fidiyeen anigoo ku hadlaya magaca ergada aan afkooda ku hadlayo. intaa hadaan ka gudbo kana xog warramo wadahadalkii u socday Khaatumo iyo Jamhuuriyada Somaliland, waxaan halkan uga caddeynayaa bulshada aanu u metelaynay wadahadalka in wax badani ay noo qabsoomeen si fiicana aanu isugu afgaranay , runtiina meel wacan uu noo marayo wadahadalkaasi, taasina waa mid aan gaadhsiinayo gudo iyo debedba iyo weliba cid kasta oo ay khusayso.”

Baayer oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi ” Waxyaabaha laga wada hadlayaa ma aha wax fudud, waxaan leeyahay ‘Rooma maalin keliya lama dhisin” dal burburay, dad burburay, colaatan waxyaaabahaas oo dhamina waxay u baahan yihiin ka fiirsi iyo ka baaraandeg, kulamo danbe oo aan filayo in dhawaan la isugu noqon doonaana way jirayaan, kuwaas oo lagu sii ambaqaadi doono Insha Allaah”.

Dhinaca kale waxa uu masuulku baaq ka soo saaray abaaraha gobolka ka jira oo maraya meel xaasaasiya, iyo xanuunka shuban biyoodka ee ka dillaacay gobolka Buuhoodle kaasi oo sababay dhimashada 13 qof iyo ku dhawaad 40 qof oo u jiifa cudurkaa dartii, waxaanu baaq u diray cid kasta oo gacan ka geysan karta, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa ”waxaan halkan duco uga dirayaa dhamaanba ummadda Soomaaliyeed anigoo si gaar ah uga faa’iideysanaya kulankan warbaahinta walaalkay oo saaxiibkay ahaa, horena u soo noqday wasiirkii arrimaha gudaha ee Khaatumo Yaasiin Axmed Sulub oo dhawaan ku geeriyooday wadanka Ethiopia, in ILLAAHAY naxariistii janno ka waraabiyo”

Aqoonyahan Maxamed (Baayer) ayaa isaga oo ka hadlaya xaalada abaarta ee gobolka iyo xanuunka shuban biyoodka ee ka dilaacay waxa uu yidhi ”waxaan baaq u dirayaa hay’adaha caalamiga ah, kuwa geeska, kuwa Somaliya, iyo xukuumadaha deriska la ah gobolkan Buuhoodle inay gacan ka gaystaan, una soo gurmadaan xaaladda gobolkan oo maraysa meel aan indhaha laga qarsan karin, iyagoo wixii ay awood ahaan ay ka geysan karaan ay sida ugu degdega badan ula soo gaadhaan, haddii ay tahay dhakhaatiir, daaweyn, iyo raashinba waxaana u wehelisa oo sababtay abaarta macaluusha iyo nafaqo darrada taas oo ay dadka ku dhaqan deegaankani ay si aad ah ugu jilicsan yihiin.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply