Captown: Maxaa Ka Dhigay Magaalo Amaan Xun?

0
338

Magaalada Captwon waa magaalo xeebeed ay ku taall dekedda weyn ee Koonfur Afrika adeegsato, laakiin haddana waxay ka mid ah tobanka magaalo  ee dunida ugu amaanka xun. Tirada dadka ku nool ayaa gaadhay 3.7 milyan tiro koob la sameeyay sanadkii 2011. Falalka dilka ah ee ka dhaca magaalada  ayaa gaadha 6% sanadkii, iyada oo kuwa isku day dilka ahina lagu qiyaasay 6.5% . Taasi oo ah in boqolkii qof ee magaalada degan  , lix ka mid ah la dilo sanadkii, halka tiro toddoba ku dhowina ay badbaadaan.

Dhinac tuugada guryaha ayaa gaadhaysa 3.6%  sanadkii, halka tuugada baabuurtuna ay tahay 5.4%. Denbiyada la xidhiidha mukhaadaraadka aya iyana gaadhaya 13.5%. Waxaan la sheegay inay arimahaasi sabab u yihiin bulshada oo aqoontoodu hoosayso, iyadoo 29% keliya ay dhamaystaan tacliinta dugsiyada sare. Waxaana Jaamacad u gudba 16% keliya. Inkastoo magaaladu ay tahay tan labaad ee South Africa ugu weyn haddana nolosha dakhliga dadka ee hooseeya ayaa keena dhibaatooyinka dhilka iyo dhacba.

Leave a Reply