Dagaal Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac Dhaliyay oo ka Dhacay Gobolka Sool

0
311

Laascaanood (Dawan)- Shan qof ayaa ku dhintay, 15 kalena way ku dhaawacmeen dagaal shalay subax laba beelood oo isku deegaan ah ku dhexmaray tuullada Qudhac-makhsin oo koonfur ka xigta magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidaasna waxa u xaqiijiyay wargeyska Dawan,  Xildhibaan Maxamed Axmed Aflahaar oo ka mid ah Golaha Deegaanka Laascaanood, waxaanu sheegay in labadan ardaa ee Qayaad iyo Bahararsame ay ku dirireen deegaanka Qudhac-makhsin oo ku taalla jiida u dhaxaysa Dhummey iyo Saax-dheer, halkaasi oo roob bulshada reer guuraaga ahi iskugu yimmaadeen ka da’ay maalmihii la soo dhaafay.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in shaqaaqadan khasaaraha dhalisay ay ka dambaysay colaad muddo soo jiitamaysay oo labadaas beelood u dhaxaysay oo horena ay ugu naf waayeen dad ku dhow afartan qof.

Wararka ka imanaya jiida dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in waxgarad iyo culimo ay ku baxeen halkaasi si ay u kala badbaadiyaan labada beelood oo isku hub urursanaya. Waxa kaloo la soo weriyay in ciidammada qaranku ay ku baxeen jiidaas si ay u sugaan nabadgelyada isla markaana u kala dhexgalaan labadan ardaa ee walaalaha iyo oodwadaagta ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply