Xildhibaan ka Tirsan Golaha Wakiillada oo u Digay Dawladda Soomaaliya

0
288

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in aanay dawladDa Soomaaliya is hortaagi karin heshiiskii xukuumadda Somaliland la gashay wadanka Imaaraadka Carabta ee saldhigga millatari ee madaarka magaalada Berbera lagaga hirgelinayo.

 

Maxamed Jaamac Cali oo shalay u waramayay qaar ka mida warbaahinta ayaa sheegay in ay Somaliland tahay qaran madax banaan oo aan cidna u daba fadhiisanayn hawlihiisa gaarka ah, waxaana uu carabka ku adkeeyay in dawlada Soomaaliya aanay awoodin in ay go’aan ka gaadho heshiiska ay wada galeen Imaaraadka Carabta iyo Somaliland ee saldhiga milatari ee Berbera.

Xildhibaanka oo arrimahaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi;  “Dal madax-bannaan oo qaran ah oo xor ah ayaanu nahay in aanu ku dhaqaaqno wixii aanu samaysanayno cidna waxba laga waydiin maayo, dawlada Soomaaliya Berbera ma xukunto mana awoodaan Soomaaliya in ay go’aan ka gaadhaan heshiiska aynu la galnay dawlada Imaaraadka Carabta ee saldhiga milatari ka samaysanaya madaarka Berbera, waxaana aanu nahay laba dal oo kala madax-banaan, sidaa daraadeed deel qaaf ayay ku tahay Somaliland in ay yidhaahdaan ma ogolin heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu wada galeen ee saldhiga milatari ee Berbera iyadoo ay socdaan wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya in maanta ay yidhaahdaan waxaas masamaysan kartaan waxa ay sii kordhinaysaa oo ay kala fogaynaysaa uun wadahadaladii inoo dhaxeeyay ee wax macno leh oo ay samaynaysaa ma jirto, waxaanay wax yeelo ku tahay ragii ka soo hor jeeday saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabtu ka samaysanayo madaarka Berbera ee lahaa lama bixin karo horana waanu u sheegnay in mawqifkaasu uu ahaa mid Soomaaliya.”

 

Maxamed Jaamac waxa uu ku baaqay in loo gurmado xanuunka shuban biyood ah ee ka dilaacay magaalada Buuhoodle oo dadna ugu geeriyoodeen, waxaana uu yidhi “Dhibaato wayn ayaa ka jirta dalka oo hadii ay sii dheeraato abaartu dadku waa sii jilcayaan, mashaakil cusubina waa imanayaan, deegaamada Buhoodle waxa ka dilaacay shuban biyood oo wax yeeladiisu aad u badan tahay waxaana aan ugu baaqayaa hay’adaha in ay u gurmadaan dadkaas, waxaana loo baahan yahay in la gaadhsiiyo dadkaas dawooyinkii lagu dawayn lahaa,”.

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in ay dib ugu celiyeen xeerka shirkaddaha oo ay soo dajisay wasaarada ganacsiga, waxaanu  yidhi, “Marka Golaha Wakiillada xeer imanayo mashruuc sharci ayaa la yidhaahdaa oo dastuurku qodob ayaa ka tilmaamay, Waxa jiray xeer ka koobnaa ilaa toddoba boqol oo qodob oo la yidhaahdo xeerka shirkadaha Somaliland,waxaana la ansixiyay 2004-tii waxaana uu ahaa xeer dhamays tiran oo lagu shaqeeyo, waxaana ay ahayd hadii uu wax khilaafsanyahay in wax ka badal lagu sameeyo oo naloo keeno waxaana naloo keenay xeer cusub oo qabyo qoraala, suurta galna maaha in xeer la ansixiyay la laalo oo la yidhaahdo xeer kalaa lagu badalayaa, sidaa daraadeed waa sharci darro, waana qayral dastuuri qaabka loo keenay golaha.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply