Shakiga Badan Ayaa Keena Werwerka!

0
3121

Phobis waa xanuun nafsaani ah oo ku dhaca dadka qaarkood. Xanuunkan ayaa ah in qofku uu ku dhaco cabsi iyo baqasho xad dhaaf ah oo aan caqli gal ahayn (illogical). Waxay cabsidu kaga dhacdaa meelo kala duwan sida dadka qaarkood oo uu ka baqdo, naftiisa iyo quruxdeeda, cabsi uu ka qabo dadka waaweyn, cabsi uu ka qabo inuu wax kasta oo uu qabto xumaanayaan.

Phobia way ka duwan tahaa xanuunada kale ee nafsaaniga ah maxaa yeelay iyadu waxay xidhiidh la leedahay ashyaa ama duruufo gaar ah. Waxaana jira astaamo lagu yaqaano xanuunkan phobia oo ah  inuu qofku shubmo, kaadida oo si joogto ah usoo noqnoqta, , wejiga oo casaada, dhidid, dhaxan badan, daal, yalaalugo , wadne garaac xoogan iwm. Xanuunkan sababaha keena maaha kuwo si cad loo wada garan karo laakiin waa dareen nafsaani ah oo ka soo maxaanaya shucuurtiisa hoose ee ruuxiga ah.

Islaamku xanuunkan wuxu ku daweyay caqiidada ah inuu qofku rumeeyo in aanay ku dhacayn wax allah u qoray mooyee wax kale , isla markaana uu ku xidhnaado oo badayi toosnaanta.  Sida xanuunkan loo daweeyo ayay Dhakhtarada cilmi nafsigu ku sheegeen inay tahay in si nafsi ah iyo akhlaaq wanaagsan lagula dhaqmo qofka xanuunkan qaba,  waxayna ku soo koobeen : Taageerida qofka xanuunka qaba oo la tuso in la wada jecel yahay.

Leave a Reply