Xukuumadda Somaliland oo Raadinaysa Magdhowga 21 Qof oo ku Dhintay Xeebta Yemen

0
317

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay inay ka hawlgalayaan sidii ay u raadin lahaayeen magta 21 qof oo reer Somaliland ah oo ku dhintay weerarkii lagu  duqeeyay dad tahriibeyaal ah oo marayay biyaha Yemen, una sii jeeday wadanka Suudaan oo bishii hore lagu laayay duqeyn cirka ah oo illaa imika aan la caddeyn ciddii fulisay. Waxa kaloo weerarkaasi ku dhaawacmay toban muwaadin oo kale oo u dhashay Somaliland.

Sidaasna waxa daboolka ka qaaday Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Keyse), waxaanu ku dooday in dawladda Yemen ay diiday in la aaso qaar ka mid ah dadkaas oo eheladoodu codsadeen in la aaso maadaama oo ay muddo bil ku dhow ku jireen qaboojiyeyaal. “Runtii waxay ahayd masiibo weyn oo ku habsatay  dad masaakiin ah oo safrayay oo gacan ka xaq-darrani ay dishay amase duqeyn lagu dilay, intii horena waxba noomay kala miirmin wasaarad ahaan safiirka Somaliland u jooga dalka Yemen iyo kooxdii kale la shaqeynaysay iyo annaguba waanu ka hawlgalay sidii aanu u ogaan lahayn xaqiiqada dhabta ah, waxaannu ogaanay in 141 qof  ay soomaali ahaayeen, iyada oo dhimashadu ay ahayd 31 ruux,  dhaawacuna uu noqday  14 qof, halka  dadka la hayo ee ka badbaadayna ay yihiin 94 qof,”ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka oo u waramayay Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da  shalay.

Wasiir Ku-xigeenku waxa kaloo uu tilmaamay tallaabada ay illaa imika qaadeen, waxaannu yidhi; “Waxaannu ka xukuumad ahaan iyo safaarad ahaanba aanu ka hawlgalay sidii aanu u xaqiijin lahayn dadka reer Somaliland ee ay masuuliyadu sida gaarka ahi uga   saaran tahay xukuumadda, dadka u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland ee weerarkaas  ku naf-waayay ee aanu magacyadooda haynaana  waa 21 ruux iyo 10 dhaawac ah, dadkan dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ee Somaliland u dhashay  marka la isku  darro waa 31-qof.”

Axmed Kayse waxa uu xusay in dawladda Yemani ay diiday in dadkan dhintay la aaso oo sida uu sheegay ay wadaan baadhis, waxaannu yidhi;  “Inta imika noo timid ee doonaysay in loo aaso maydka ubadkooda ee talaagada  ku jirtaa  waa hal qof oo kaliya.  markii aanu is nidhi qoyskaasi u aasa qofkaasi ka dhintayna xaga Yemen  ayay ka socon weyday oo  baadhitaan baa jira waxaanan  ku rajo weynahay in meydkii la aaso.

Waxaanu dooneynaa inaanu ka daba tagno oo aanu nidhaahno, maxaa la samanayaa, hase ahaatee muhiimada ugu weyni waxay tahay in aanu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Yemen weydiinno ciddii dadkan laysay.  markaa marka aanu ogaanno ayaa annaga oo waalidkii iyo xukuumadda Somaliland oo is kaashanaynaa. marka aanu ogaano   inaanu si wada jira u doono magtii dadkaasi dhintay islamarkaana aanu sharciga horkeenno dadkii dhibtaasi geystay dagaalada iyo marxalada ka jirta Yemen ayaa waxyaabo badan noo suura-galin kari waayay, xafiiskayagii (safaaradii)  oo dhammi waa ay ka soo baxeen safaaradeebu in yar oo faro ku tirisa ayaa ku  hadhay intoodii badnaydna halkan (Somaliland) ayaa la keenay. waxaanu  samaynay telefoon lambar oo ay nagala soo xidhiidhayaan qoysaskii dadkoodu ku dhinteen weerarkaas, kana hubinayaan liiska aanu hayno ee dhimashada iyo dhaawaca ah iskugu jira/ waanan ka xunahay xukuumad ahaan wixii dadkaas ku dhacay.”

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply