Ahmadinejad oo isu Diiwaangeliyay Tartanka Madaxweynenimo ee Iiraan

0
250

Madaxweynihii hore Mahmoud Ahmadinejad,  ayaa qaaday tallaabo yaab keentay kadib markii uu isku diiwaangeliyay inuu musharax u yahay doorashada madaxtinimada ee soo socota.

Ahmadinejad ayaa hore u sheegay in aanu isku soo taageyn kadib markii uu sidaasi kula taliyay hoggaamiyaha sare ee Iiraan  Ayatollah Ali Khamenei,  isaga oo sheegay inuu taa beddelkeeda taageerayo ku xigeenkiisii hore saying, Hamid Baghaei, kaas oo isna is diiwaangeliyay Arbacadii.

Waxa uu sheegay inuu weli ku dheggan yahay ballantiisii mooraal ahaan ee uu u qaaday Khamenei  oo aheyd in aanu isu soo taageyn doorashada May 19.

Markii uu is diiwangelinayay wasaaradda daakhiliga waxa uu ka yidhi, ‘Khamenei taladiisu ma ahayn mamnuucid “.

Ahmadinejad waxa uu xafiiska banneeyay  August 2013 kadib markuu laastay laba xilli oo is dabajoog ahaa, waxaanu ka tegay iyada oo uu dalku gude ahaan  kala qeybsan yahay, islamarkaana ka go’doonyay caalamka iyo iyada oo uu la daalaadhacayo dhaqaale ahaan.

Leave a Reply