Farxadda Lama Iibsan Karo

0
356

Waxay ahaayeen laba nin oo jaar ah muddo dheer, midkood wuxu ahaa Beeraly sabool ah, kan kale wuxu hantiile dabqada sare ah.  Ninkan saboolka ahi wuxu ku jiray farxad joogto, ma xidhi jirin gurigiisa daaqadaha iyo albaabada habeenkii marka uu seexanayo.

Ninkan hantiila ahi wuxu la yaabanaa farxadda badan ee uu haysto ninkan faqiirka ahi. Maalin danbe ayuu u yeedhay oo uu siiyay lacag waxooga ah oo uu ku yidhi ku shaqayso si aad uga baxado saboolka, isagoo ugu riday khasnad yar oo uu yidhi ku xafido intaad ku hawl gelayso.  Ninkii beeralayda ah aad ayuu u farxay waana uu u mahadnaqay .

Maalintii oo dhan lacagtii khasnadii ay ku jirtay ayuu kolba furaa oo tiriyaa oo haddana ku celiyaa. Markii habeenkii soo galay ee uu doonayay inuu seexdo wuxu iska xidhay albaabadii iyo daaqadihii aanu xidhi jirin, meel kastana wuu adkeeyay. Wuxu isku deyayay inuu gamo’ laakiin kolba waxa u sawirma Tuuga soo dhacay oo xaday ka diban wuu kacaa oo albaabka iyo daaqadaha dib u eega oo si adkeeya. Habeenkii oo dhan wuu soo jeeday mana seexan.

Markii waagii beryay oo uu habeenkii oo dhan aanu seexan ayuu lacagatii qaaday oo ninkii hantiilaha ahaa u tegay waxaana uu ku yidhi “ Saaxiib mahadsanid, lacagtaadii waa tan waan kuu soo celiyay waayo dhib ayay igu keentay ma seexan, shaqadii beertaydana ma qabsan karo. Xikmaduna waa Lacagtu maaha tan keenta Farxadda.

 

Leave a Reply