Qiso: Haddii Uu Jiro Yool Aad Higsanayso Waad Gaadhi!

0
296

Markii uu Bakayluhu ugu faanay Diinka inuu ka dheerayo, haddii ay beratamaan, Diinku wuxu ugu jawaabay Maya, igama dheeraynaysid isagoo isku kalsoon, waxa laga yaaba inaan kaa dheereeyo.

Bakaylaha oo yaaban ayaa ku yidhi “ Ma adiga sidan u gaabiya ayaa ii faanaya”? Waxaana Diinku ku jawaabay maya, ma faanayo laakiin anigu sidaasi ayaa aaminsanhay.

Waxay go’aan ku gaadheen inay beratamaan, waana ay bilaabeen beratankii iyadoo meesha la gaadhayana ay cayimeen. Bakayluhu xoog ayuu orday Diinku wuu iska luuday.

Markuu meel dhexe marayo ayuu Bakayluhu dareemay in aanu soo gaadhi Karin oo meeshii balanku ahaana dhowdahay , wuu fadhiistay si uu nasto, ka dibn hurdaa qabatay oo wuu seexday.  Laakiin Diinku socodkiisa wuu iska watay waayo yoolka ayuu higsanaya.

Socodkiisa wuxu ku dhaafay Bakaylihii oo hurda oo goobtii gaadhay. Bakayluhu wuxu soo baraarugay wakhti danbe , markaasu arkay Diinkii oo ka dheereyay. Waad fahnatay Xikmadan. Xikmadda sheekadan ku jirta: Hadii aad dadaal samayso si aad u gaadho hadaf kaaga, xawaarahaagu haba

Leave a Reply