Beentii Qarniga Iyo Xusuus Qorkii Weynaa!

0
345

Sodon sano ka hor ayuu saxafiga Gerd Heidemann hamigiisu ahaa inuu soo gebogebeeyo mihnadiisa saxafaada isagoo wakhtigaasi ka shaqayanyay wargeyska labaad ee ugu weyn dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Sheitren. Wakhtigaasi ayuu ku qoray wargeyska inuu helay xusuusqorkii Adlof Hitler kaasi oo ah qoraal gacmeed.  Wargeyska ayaa sheegay in xusuus qorkan uu badbaadiyay askari ka tirsanaa ciidanka dagaalkii labaad. Qoraalka wageyska ayaa waxa taageero uu ka helay ra’yal caamka guud oo aaminsanaa in xusuus qorkii HiItler uu ku qorsoon yahay meel aan ilaa hadda la garanayn.

Wargeyska  ayaa ku casuumay shirkaasi jaraa’id  tiro suxufiyiin ah inay kaga soo qayb galaan xarunteeda Hambrug si ay goob joog uga ahadaan bandhiga xusuus qorka Hitler.  Weriyaha ayaa halkaasi ka cadeeyay in xusuus qorku  soo gaadhay Wargeyska uu rasmi yahay.

 

Waxa shirka jaraa’id ka soo qayb galay  taariikh yahanka  aqoonta u leh Hitler ee Ingiriiska ah Heig Treifore iyo  macilinka taariikhda Maraykanka aqoonta weyn u leh ee  Gerhard. Waxaana labada ninba ay cadeeyeen in xusuus qorku yahay mid rasmi ah waaba yaab.

Sanadkii  1981 ayay Hay’adda  Graner Foundation ee Jarmalka ay iyana  sheegtay inay bixisay lacag dhan 3 malyuun oo doller taasi oo ay ku iibsatay xusuus qor been abuur ah oo uu lahaa hogaamiyihii Nasiga ee Adlof Hitler.

 

Warqadan ayaa fashilantay ka dib markii wakaaladaha wararku ay arimahaasi fashiliyeen waxa kale oo arintan beenisay wakaalada la dagaalanka denbiyada. Taasi oo cadaysay inay warqadani tahay been abuur.  Hay’adda ayaa sheegtay in qaabka ay warqadu u qoran tahay aanay ahayn sidii qoraalka loo samayn jiray waagii dagaalkii labaad. Waxa kale oo ay sheegtay in caalamadaha iyo xuruufta lagu istcimaalay waraqadan aanay ahayn kuwii uu Hitler caanka ku ahaa . Ugu danbaystiina waxa la ogaaday in waraqadan uu sameeyay sawir yaqaanka Konder Cogoe kaasi oo wargeyska u sameeyay 62 xusuuq qor oo been ah oo ay ka soo gashay lacag dhan 4.75 milyan doller. Qoraalo iyo sawiro badan oo been abuur ayaa laga lacago badan laga helay. Waxayna ka mid noqotay beenihii ugu weynaa qarnigii hore.

 

 

Leave a Reply