Saraar: Nin is Deldelay Xaaladda Adag ee Abaarta Awgeed iyo Dad u Dhintay Baahi

0
287

Caynaba (Dawan)- Deegaanka Higlo oo ka tirsan gobolka Saraar, ayaa shalay gelinkii dambe lagu aasay mid ka mid ah dadka ay tabaaleysay  abaarta baahsan ee ka jirta gobollada bari, waxaana  la sheegay in uu Marxuumku is del-delay kadib markii xaaskiisu ay wayday biyo ay cabto iyada oo umul ah, sidaasna ay ku umul aroortay.

Guddoomiyaha Tuullada Higlada oo ka tirsan gobolka Saraar, Ibraahim Sugaal Caateeye oo ka hadlay aaskii loo sameeyey marxuumkaas oo la odhan jiray Qaasim Yuusuf Xaaji Axmed, waxa uu yidhi; “Waxaannu joognaa xabaasha Qaasim Yuusuf Xaaji Axmed  oo ku dhintay Higlo, waxa geeridiisa sabab u ahayd haraad , gaajo iyo macaluul, dad badan oo baahidaasi hayso oo adduunkii ka dhammaaday oo marxlad adag wajahaya  ayaa jira.”

 

Guddoomiyaha Guddida gurmadka abaaraha gobolka Saraar, Khaliif Ismaaciil Saleebaan,  ayaa sheegay in todoba qof ay u geeriyoodeen xannuuno ka dhashay abaarta daba dheeratay iyo macaluul ku laxaadsatay bulshada abaareysan waxaanu yidhi,  “Deegaanka Gumbur Carro  waxaa la sheegay in toddobada qof ugu dhinteen xanuuno ay keeneen tamar darrada gaajada ka dhalatay abaaraha.”

 

Maayarka Caynaba Axmed Cabdi Xaaji Yuusuf, ayaa xukuumadda Somaliland  ugu baaqay in il gaar ah lagu eego deegaannadan oo ay ku doodeen inay ka jirto  xaalad ka xun deegaannada abaareysan intooda badan,  Waxaanu yidhi;   “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaan ka codsanaysaa in dhulkan qaylo dhaan xoog leh la geliyo oo wax ka badelan gobollada la geliyo, haddii kale dadka oo dhan way ku idlaanayaan.”

Ninkan dhintay  ayaa  la sheegay in ooridiisiina oo la odhan jiray Saynab Ayaanle  Cartan oo ka mid ahayd dadka ku soo barakacay deegaanka Kiridh oo 40km dhinaca galbeed kaga toosan magaalada Caynaba, ay umul aroortay dhawaan.

Biyo la’aanta iyo macaluusha ay sababtay abaaraha riiqda dheeraatay ee ku habsatay gobollada bariga,ay dadka waaweyn iyo caruurtu ay la tacaalayaan xannuuno ka dhashay tamar-darrada abaaraha.

Dawannews Hargeysa office

 

 

 

Leave a Reply