Xog laga Ogaaday Ninkii Gaadhiga Dadka ku Jiidhsiiyay Sweden

0
273

Ciidamada Sirdoonka dalka Sweden ee loo yaqaan (SÄPO) ayaa si toos ah u soo afjaray baadhitaanka ninkii dadka ku xasuuqay gaadhiga kaas oo iminka la sheegayo inuu dhamaan qirtay dambigiisa .

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Rachmat Akilov waana 39 jir u dhashay dalka Usbekistan, wuxuuna wadanka Sweden soo galay sanadkii 2014-kii kaas oo xiligaas qaxootinimo dalbaday balse bishii Juun sanadkii 2016-kii ayaa diidmo la siiyay (Negativ) .

Rachmat Akilov ayaa hal sano ka dib lagu amray in uu dalka Sweden ka baxo ama si qasab ah loogu celin doono wadankiisa Usbekistan . Intaas ka dib Rachmat Akilov ayaa dhuuntay oo aqbaartiisa la waayay sida ay iminka soo bandhigeen booliiska dalka Sweden gaar ahaan kuwa qaabilsan arimaha qaxootiga .

Kiiska Rachmat Akilov ayaa iminka waxaa si toos ah u soo afjaray ciidamada dharcada Sirdoonka dalka Sweden ee (SÄPO) kuwaas oo baadhitaan dheer ka dib kumbiyuutaradiisa ka soo helay xidhiidh uu mudooyinkan dambe la sameyn jiray kooxda Daacish kuwooda ka dagaalama dalka Siiriya .

Rachmat Akilov ayaahaatan la sheegayaa inuu  si toos ah u qirtay dambigiisa kaas oo ku faanay inuu doonayay in uu laayo in ka badan dadka uu gaadhiga xamuulka ah jiidhsiiyay . Sirdoonka dalka Sweden ee SÄPO ayaa sidoo kale soo bandhigay Faro iyo dhiig laga soo qaaday gaadhigii xamuulka ahaa ee dadka lagu laayay .

Weerarkan ayaa dhacay galabtii Jimcaha waxaana lagu dilay 4 qof halka dhaawaca uu ka badnaa 15-qof . Dadka dhintay ayaa kala ahaa laba Swedish ah , iyo labo haween oo u kala dhashay wadamada Ingriiska iyo Belguim-ka .

Leave a Reply