Siddeed Wasiir oo lagu Eedeeyay Musuqmaasuq

0
291

Xukuumadda Barazil waxaa ruxay eedaymo cusub oo musuqmaasuq ka dib markii uu garsoore amray in baadhitaan lagu sameeyo siddeed wasiir iyo tiro xildhibaanno ah.

Dadka liiskan ku jira waxaa ka mid ah agaasimaha madaxtooyada, ninkii duqa magaalada ka ahaa Rio de Janeiro markii lagu qabtay tartankii Olambigga iyo ugu yaraan afar madaxweyne oo hore.

Waxaa magacaabay shaqaalaha shirkadda dhismaha ee Odebrecht, oo qiray in laaluush u bixiyeen hal bilyan oo doolar.

Arrintan waxay qayb ka tahay baadhitaan musuqmaasuq oo muddo saddex sano ah lagu hayay shirkadda shidaalka ee Petrobras.

Dhammaan 108 ruux ee uu magacyadooda shaaciyay  Edson Fachin oo ah garsooraha maxkamadda sare ayaa looga shakisan yahay in ay ku lugleeyihiin laaluush baaxad wayn iyo lacago si aan haboonayn looga qaatay shirkadda shidaalka oo galay jeebabka siyaasiyiinta.

Markii la shaaciyay magacyadan dadka degan magaalada Sao Paulo ayaa isugu soo baxay mudaharaadyo ay kaga soo horjeedaan musuqmaasuqa siyaasadaysan.

 

Leave a Reply