Taywan oo Mamnuucday in la Qasho Bisadaha iyo Eyda

0
267

Baarlamaanka Taywan ayaa meelmariyay sharci mamnuuc ka dhigaya in la qasho bisadaha iyo eyda  ay dadka dalkaasi   quutaan.

Sharcigan ayaa sidoo kale dadka ka mamnuucaya marka ay ku safrayaan mootooyinka ama gawaadhidooda in ay ku jiidaan shay uu saaranyahay xayawaan.

Qofkii lagu helaa in uu jabiyay amarradaas waxaa lagu ganaaxi doonaa lacag aad u badan ama xabsi labo sano ku dhaw iyo waliba in magaciisa iyo sawirkiisa bulshada lala wadaago.

Tallaabooyinka ayaa looga gol leeyahay in sare loo qaado shuruucda waxyeelada ka dhawra xayawaanka dalkaas.

Tallaabadan salaasadii la qaaday ayaa taariikhi ah, waana shuruucdii koowaad ee noocaas ah ee laga hirgaliyo qaaradda Aasiya.

Hilibka eyda ayaa mar si joogto ah looga isticmaali jiray dalkaas jasiiradda ah, laakiin hadda wixii ka dambeeya waxay u badan tahay in loo arki doono in uu qoyska ka mid yahay.

Sanadkii hore madaxweynaha Taywan Tsai Ing-wen ayaa la wareegtay saddex ey oo waardiye ahaa oo shaqada ka fadhiistay si ay u xannaanayso oo ay ula noolaadaan labadeeda bisadood ee la kala dhoho, Cookie iyo A-Tsai.

Tsai ayaa ah haweenaydii u horaysay ee hogaamisa dalkaas.

Leave a Reply