Taliye Sare oo laga Dilay Koox Fallaago ah

0
274

Milatariga Filibiin ayaa dilay taliye muhiim ah oo ka tirsanaa kooxda mintidiinta ee Abu Sayyaf, sida uu shalay sheegay madaxa milatariga dalkaas.

General Eduardo Ano ayaa shaaca ka qaaday in milatariga ay meydka Moammar Askali, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Rami ka heleen xaafad ku taalla jasiiradda Bohol, halkaasi oo ciidamada Filibiin  ay kula dagaalamayaan dagaalyahanada Abu Sayyaf.

Askali ayaa waxaa lala xidhiidhiyey afduubka iyo gowraca laba qof oo u dhashay dalka Kanada, sanadkii tagay, iyo qof u dhashay dalka Jarmalka oo la dilay bishii Febarweri.

Milatariga ayaa sheegay in Abu Sayyaf ay isku dayayeen inay gaystaan afduubyo cusub markii ay doon ku yimaadeen magaalada Inabanga oo ku taalla jasiiradda Bohol ee koonfurta, halkaasi oo kooxda ay ka howlgasho.

Dagaalka ayaa qarxay markii ciidamada dowladda ay halkaas u tageen inay baadhaan arrintan, waxaana halkaas ku dhintay lix ka tirsan mintidiinta, saddex askari iyo nin boolis ahaa.

Leave a Reply