Heshiisyo Taariikhda Galay

0
482

Awooddi ay dawladii Cusmaaniyiintu lahayd qaraniyadii dhexe ayaa ahayd mid xoog ah. Waxaana ay ku dhowaaqday wakhtiyadaasi iyadu inay masuul ka tahay dhamaan dadka muslimiinta ah ee dunida ku nool. Sanadkii 1774 ayay boqortooyadii Ruushka heshiis la gashay kaasi oo ah inay iyadu masuul ka tahay dadka muslimiinta ah ee ku hoos nool boqortooyadii Ruushka iyo kuwa ku nool gobolka Kiriimiya ee Ukrain, waxaana boqortooyada Ruushku ogolaatay arinkaasi.

Waxayna muujinaysaa sida ay dawladaasi awood u lahayd, ee ay u ahayd quwada lagu ixtiraamo dunida. Hasa yeeshee dhamaadkii qarnigii 19aad ayaa waxaa soo shaac baxay awood darada ku soo bilaabmatay boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyadoo dhul badan oo ay ka talin jirtay reer yurub qabsadeen gaar ahaan badhtamaha iyo bariga qaarada Yurub.

Sanadkii 1908 wuxuu ahaa sanadkii reer Yurub ay dhulka ugu baaxada weyn ka qabsadeen dawladii Cusmaaniyiinta ka dib markii awoodii ay lahayd dawladu dhulka sii gashay.

 

Leave a Reply