126 Qof oo 68 Carruur Yihiin oo ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Suuriya

0
340

Qarax weyn oo loo adeegsadey walxaha qarxa oo la soo saaray baabuur ayaa lala beegsadey kolonyo basas ah oo ay sugayeen kumanaan qof oo laga daad gureynayay   laba degmo oo ka baxsan magaalada xalab oo ay ciidamada dowladu go’doomiyeen in muddo ah.

Tirada dhimashada  ayaa la sheegay in ay haatan mareyso ugu yaraan 126  qof oo  ku dhimatey weerarkan qaraxa ah, waxaa la baahiyey muuqaalo dad meyd ah oo ay caruuri ku jirto oo yaala basaska gubanayay agtooda. Dadkan ayaa badankoodu waxaa ay ka yimaadeen degmooyinka Fuaa iyo Kefraya oo ku yaalla gobolka idlib ee ay maleeyshiyaadku maamulaan.

Daad gureyntan ayaa billaabatay maalintii Jimcihii, waxaana lagu bedeli rabey in loo ogolaado maleeyshiyaadka iyo qoysaskooda Suniyiinta ah in ay ka baxaan magaalooyin u dhow caasimada Dimishiq oo ay dowladu go’doomisay.

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply