Haweenay u soo Joogtay Saddexdii Qarni ee ugu Dambeeyay oo Geeriyootay

0
374

Haweenaydii ugu da’da waynayd dunida ayaa ku dhimatay dalka Talyaaniga iyadoo 117 sano jir ah, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaasi.

Waxay ku geeriyootay gurigeeda oo ku yaalla magaalada Verbania ee waqooyiga dalka Talyaaniga.

Emma Morano waxay dhalatay 29 Nofeember 1899. Waxay ahayd qofkii ugu dambeeyay ee inta la ogyahay dhashay 1800-aadkii walina noolaa.

Mar ay ka hadlaysay cimrigeeda ayaa waxay sheegtay inuu yahay dhaxal. Hooyadeed ayaa ku dhimatay da’da boqol sano, walaasheedna 91 sano.

Waxay sidoo kale sheegtay inay maalin kasta cuni jirtay seddax ukumood oo laba ka mid ah ay ceydhiin ku cuni jirtay.

Morano waxay ahayd curad waxaana ka yaraa sideed carruur ah oo dhammanatood kal hore dhintay.

Waxay u soo joogtay seddax qarni,dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee dunida ka dhacay iyo 90 xukumadood oo soo maray dalka Taliyaaniga.

Waxay dhashay hal wiil oo kali ah oo isagoo lix bilood jir ah geeriyooday 1938.

 

Leave a Reply