Kuuriyada Waqooyi oo ku Guuldareysatay Tijaabo Gantaal

0
332

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku guul daraysatay gantaal ay ku tijaabisay bariga xeebta dalkaasi, waxaa sidaasi sheegay saraakiiisha milatiriga Kuuriyada koonfureed iyo Maraykanka, maalin uun ka dib markii xukuumada Pyongyang ay digniin u jeedisay Maraykanka xili ay sii xumaaneyso xiisada ka jirta gobolka.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in gantaalkaasi uu burburay ilbidhiqsiyo kaddib markii la ganay.

Maalintii sabtidii, Kuuriyada Koonfureed ayaa soo bandhigtay wax u muuqday in ay ahaayeen gantaalada balastikada.

Xukuumada Pyongyang ayaa horay shan jeer u tijaabisay hubka Nukleyrka iyo dhowr gantaal, taasi oo ka soo horjeeda qaraarkii Qaramada Midoobay.

Talaabadani ugu danbaysay ayaa ku soo beegmaysa xili madaxwayne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence uu gaadhay caasimada Kuuriyada Koonfureed ee Seoul, halkaas oo la filayo inuu uga qeyb galo wadaxaajood ku saabsan qaabka ugu wanaagsan ee loola tacaali karo barnaamijka Nukleyrka iyo gantaalada Kuuriyada Waqooyi.

“Kuuriyada Waqooyi waxa ay isku dayday in ay ku tijaabiso gantaal aan noociisa la sheegin ”bariga dekadda Sinpo,” waxaa sidaasi sheegay wasiirka gaashaandhiga Kuuriyada Koonfureed, wuxuuna intaa ku daray in tijaabadan ay guul daraystay “.

Wasaarada gaashaandhiga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ay wali baadhayso faahfaahinta la xidhiidha arintan.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Baasifiga ayaa xaqiijiyay dhankooda tijaabada guul daraystay, waxaa ayna intaa ku dareen in ay dabagal ku sameeyeen wax la rumaysan yahay in uu ahaa gantaal nooca balaastikada oo ay riday Kuuriyada Waqooyi.

“Gantaalka ayaase burburay islamarkiiba,” waxaa sidaasi wakaalada wararka ee Reuters u sheegay abaanduulaha ciidamada badda Maraykanka Mr Dave Benha.

Maalintii Sabtida ayay ahayd markii Kuuriyada Waqooyi laga xusay 105 guuradii ka soo wareegatay dhalashada ninkii dhidabada u aasay dalkaasi oo lagu magacaabi jiray Kim Il-sung, waxaa ayna dowladda Kuuriyada Waqooyi halkaasi kusoo bandhigtay awoodeeda milateri.

 

Leave a Reply