Madaxweyne Erdogan oo Guul ka Gaadhay Aftidii Dastuurka

0
407

Madaxweynaha Turkiga  Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegtay inuu guul ka soo hooyay aftida dastuurka ee shalay looga codeeyay dalkiisa, taasi oo siinaysa awoodo cusub, waxaanu  carrabka ku adkeeyay inuu ka gaadhay aqlabiyad cad.

Madaxweynaha ayaa  ka hadlayay isu soo bax fagaare ku yaal  Istanbul xilli ay gebogebo aheyd tirintii codadku.

Iyada oo la tiriyay codadkii  in ka badan 99% ayaa waxa soo baxeysa in HAA ay ugu codeeyeen   51.35% , halka ay ka yidhaahdeen MAYA n 48.65%.

Labada  xisbi ee waaweyn ayaa ka doodaya natiijada.

 

 

Mr Erdogan waxa uu doonayaa in hanaanka dalkaasi lagu maamulo ee baarlamaaniga loo beddalo mid madaxtinnimo si la mid ah dalalka Mareykanka iyo Faransiiska.

Taageerayaasha Erdogan waxay ku doodayaan in isbedalkaasi uu ka dhigi doono dalka mid horumar ku tallaabsado, halka kuwa ka soo horjeeda ay ku doodayaan in dalka ay u horseedi doonto inuu galo nidaam kaligii-talis ah.

Haddii aftidan ”Haa” loogu codeeyo waxay sidoo kale ka dhigantahay in madaxweyne Erdogan uu xilka sii hayn kara ilaa iyo 2029.

Qiyaastii 55 milyan oo qof ayaa xaq u leh inay codkooda ka dhiibtaan ilaa iyo 167,000 oo goobaha codbixinta ah.

Saadaashu waxay tilmaameeysaa inay natiijda codbixintu noqon karto mid aad isugu dhaw, waxaana la filayaa natiijada rasmiga ah inay caawa soo baxdo.

 

Dastuurka qabyada ah waxa uu dhigayaa in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka xigta la qaban doono 3 nofeember 2019.

Madaxweynaha waxa uu dalka ka talin karaa laba xilli doorasho oo min shan sano ah.

  • Madaxweynaha ayaa si toos ah u soo magacaabi doono wasiirada iyo saraakiisha sarsare.
  • Wuxuu sidoo kale magacaabi karaa madaxweyne ku xigeena dhowr ah.
  • Waxaa meesha laga saari doonaa xilka ra’iisalwasaaraha oo uu hadda hayo Binali Yildirim.
  • Madaxweynaha wuxuu awood u lahaan doonaa inuu faragelin ku sameeyo waaxda caddaaladda oo uu Erdogan horay ugu eedeeyay inay u janjeedhaan dhinaca wadaadka Fetxullahi Gulen.
  • Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqi karo xaalad deg deg ah.

 

Leave a Reply