Ninkii Telefoonka Ikhtiraacay Wuxu Necbaa Dhegoolayasha Waayo ?

0
503

Alexander Graham Bell Wuxu caan ku yahay inuu noqday ninkii soo saaray isgaadhsiinta telefoonka ee maanta dunidu kuwada xidhiidho. Inkasta oo uu aha kuwii ugu aad loo yiqiin aqoonyahandii sebenkiisa haddana wuxu caan ku ahaa oo kale inuu ka soo horjeeday oo aad u necbaa dadka dhegoolayaash ah.

Wuxu aaminsanaa in dadka dhegooluhu bulshada halis ku yahay, waxaana uu dadaal u galay in bulshada inay dhex galaan laga ilaaliyo. Wuxu rumaysnaa inay dhego la’aantu halis ku tahay bulshada, waxa kale oo uu isku deyay in la sameeyo sharci denbi ka dhigaya in la sameeyo luqdaha tilmaamaha ah ee dhegoolyaashu isticmaalaan.

Waxa kale oo uu xoogga saaray in  Dugsiyada waxbarasho iyo weiba inaan loo guurin dhegoolayaasha iyaguna is guursan si aanay u tarmin. Mr.Bell ayaan la fahmin waxa ku saliday dadka dhegaha naafada ka ah, laakiin waxa loo qaatay inuu aad uga cadhooday in aanay isticmaalayn telefoonka oo yihiin kuwo aan sumcad usoo kordhinayn ikhtiraaciisa.

Leave a Reply