Xukuumadda Somaliland oo Go’aammo ka Soo Saartay Dirirtii Koonfurta Sool Iyo Tallaabooyinka Laga Qaadayo Ciddii Jabisa

0
467

Hargeysa(Dawan)- Xukuumadda  Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aamo iyo amar ka soo saartay nabadeynta colaad soo noqnoqotay oo laba beelood oo walaalo ah ku dhex martay  koonfurta gobolka Sool, taasi oo ay ku nafwaayeen dad soddon qof ka badani,waxaanay Xukuumaddu caddaysay in amarka laga soo saaray daminta collaadaasi in loo sheegay labada beeloodba lana siiyay go’aamadaas waajibna ay tahay in ay fuliyaan oo ay qaataan amarka dawladda.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon) oo ka mid ahaa  wefti Wasiirro ah oo daminta colaaddaas u tegay gobolka Sool, ayaa sheegay in ay Xukuumadda ka go’an tahay in ay hirgaliso nabad dhab ah oo lagu soo afjaro colaadda labada beelood ee walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay.

 

Waxaanu intaa ku daray in aan doorkan waxba laga waydiinayn labada beelood fulinta nabada  waajibna ay  ku tahay in ay qaataan oo ay fuliyaan qodobo ay Xukuumaddu ka soo saartay soo afjariadda colaadda soo noqnoqotay oo amar lagu siiyay in ay sidooda u qaataan.

Waxaa kale oo uu sheegay in wixii kale ee qasaare ah ka wada hadalkooda iyo wax iska waydiinteedu ay noqonayso marka xilligeeda la gaadho ee citrka madar khayr qaba laga helo abaartana ALLE innaga soo jabiyo.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu khadka telefoonka ku siiyay wargayska Dawan isagoo ka soo  noqday socdaal shaqo oo uu ku tegay gobolka Sool.

Ugu horrayn Wasiirka  Arrimaha Gudaha Somaliland oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay go’aamada ay ka soo saareen  dirirtii labada beelood iyo sida ay ula qaateen labadii beelood ee dagaalku dhex maray,ayaa ku jawaabay. “Dawladdu muddo badan ayay labada beelood arrintooda markasta oo go’aamo laga soo saaro oo lagu nabadaynayo ay ka sugaysay in ay wada jir u fuliyaan oo ay nabadda ka shaqeeyaan laakiin taasi dhankooda ayay ka suura gali wayday waxaanan u sababaynayaa in ay ku timi dad fidmo wadayaal ah iyo shaydaan ka adeegay in colaaddu sii socoto laakiin imika Xukuumaddu go,aamo ayay ka soo saartay kama dambays ah oo ay dawladdu fulinayso isla markaana aan waxba laga waydiinayn labada beelood, laakiin dawladdu waxay   amar ku siisay in ay u hoggaansamaan qaadashada amarka xukuumadda taana lagama baryayo cid kasta oo qaadan wayda ama ay dhankooda ka hirgali waydana tallaabo adag ayaa laga qaadanayaa, go,aamada dawladdu ka soo saartay  waxgaradka beelaha kale ee gobolka iyo culimada iyo madaxdhaqameedka  kalena way nala qaateen laakiin way soo dhaaftay markii labada beelood wax la waydiin lahaa oo nabadayn badan iyo qodobo dhawr goor daadinta dhoogooda lagu kala badbaadinayay ayay qaateen oo aan hadana fulin imikana iyaga waxa kaliya eek u waajib ah in ay u hoggaansamaan amarka dawladda cid dambe oo nabadda wax laga waydiinayaan jirto.”

Wasiirka oo ka jawaabayay su,aal laga waydiiayy dhibaatada dhacday qasaaraha kala gaadhay goorta laga wadahadalsiinayo si aanay aano u iman colaad dambe dhalisa,ayaa yidhi. “Horta dhibaatada hadda taagani waa in colaadda la joojiyo taasina waxay u baahatay in gacan dawladeed wax lagaga qabto wixii kale ee qasaare ah ee jirana waxaa laga wada hadli doonaa oo shareecada iyo dhaqanka iyo sharciga dawladda lagu kala saari doonaa marka ay wakhtigeeda gaadho ee ay nabadgelyadu taam noqoto abaartana ALLE innaga soo jabiyo ee uu Raxmaadkiisa inoo shubo laakiin imika xukuumaddu waxay toos ula wareegtay in aanay nabadaynta labada beelood hirgalinteeda in aan cidna loo dabo fadhiisan wada hadal iyo beelaha dirirayna aan loo dayn heshiis in ay wada gaadhaan waajibkuna wuxuu yahay in ay qaataan amarka la faray oo keliya.”

Wasiirka oo ka hadlayay abaarta iyo saamaynta ay colaadani ku yeelatay dadka deegaanka,ayaa yidhi. “Horta markaad tagto eed aragto dadkii nolosha ay ku nool yihiin waad ka naxaysaa oo damiirka wax ku noqonaya waxay ku jiraan abaartii abid dhacda  oo ku habsatay dalka xoolihii oo ka baxay cudurro deegaanada ka dillaacay iyo gurmadka gaadhay oo ah gacan aadami oo aan dabooli karin dhibaatada abaartu sababtay iyagoo dalka kala siman gurmadka samato bixnta dadka abaartu ku dhufatay ayaanay haddana gacan dad waxba ka qaban karayn baahida taalla laakiin Xukuumaddu u dul qaadan mayso dadkeedii oo baari hayso in ay coaaduna sii socoto waanan so oaf-jaraynaa dirirta labada beelood waajibka dawladduna sidaa ay go,aamada uga soo saartay ee ay amarka u fartay ayuu ahaanayaa cid laga baryayaana ma jirto dibna u dhici mayso in cid ka hor timi ama jabisay go,aanka dawladda in waan waan lagu eego laakiin tallaabo adag ayaa laga qaadayaa ciddii amarka qaadan wayda,”  ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply