Faa’iidooyinka Cunidda Kalluunka Iyo Habka Kalluumaysiga

0
561

Waxa habboon dadka reer Somaliland in ay u cunaan kalluunka sida ay u cunaan hilibka xoolaha. Waayo labadooduba waxa ay leeyihiin faa’iidooyin.  Tusaale ahaan faa’iidooyinka kalluunka waxa ka mid ah: Xagga dheef-shiidka, waa uu ka fudud yahay

marka la barbar dhigo hilibka xoolaha.

Kalluunka waxaa ku yar duxda (low in cholesterol). Kalluunku waa uu ka jaban yahay hilibka xoolaha.
Badanaa kalluunka lagama qaado cudurro badan oo laga qaado hilibka xoolaha.

Tartaba iyo beerka nibiraanka waxa lagu daweeyaa cudurro badan.

Xaddiga aad kalluunka ka cuni karto kama cuni kartid hilibka xoolaha.

Fiitamiinnada ku jira kalluunka ayaa ka badan kuwa ku jira hilibka xoolaha.

Kalluunka qaarkiis ayaa hurdada keena oo loo cunaa hurdo la’aanta.

Kalluunka waxa laga helaa nafaqo badan sidaas awgeed waxa uu u fiican yahay dumarka uurka leh iyo carruurta ay sidaan.

Habka kalluumaysiga:

Habka kala soo bixidda xayawaannada badda ku jira waxa la yidhaahdaa kalluumaysi.

Dadka hawshaa qabta ee badda ka soo saara kalluunkana waxa la yidhaahdaa kalluumaysato.

Si kalluumaysi u dhaco waxa loo baahan yahay bad, qalab, gaadiid iyo dad.

Qaababka loo kalluumaysto, qalabka iyo gaadiidka lagu kalluumaysto waxaa ka mid

ah:

Habka adeegsiga shabaagta:Waa nooc ka mid ah hababka ay adeegsadaan  kalluumaysatada Somaliland. Waana kan ugu wax soo saarka badan. Waxaana ka mid ah shabaagta libaaxa, kalluunka, nibiriga, aargoosatada, milgada oo lagu dabo caydiga iyo shirinbiska.

Jilbaha: Noocan waa fiillo dheer oo afka lagaga xidho jilib oo hilib yar oo cufaaf la yidhaahdo afka loo sudho, gacanta ayaana lagu tuuraa, laguna soo  jiidaa. Noocan waxaa loo yaqaan habka kor joogidda oo mar kasta xabbad keliya ayaa la soo saaraa.

Milgo: Habkan waxaa lagula soo baxaa kalluunka nooca yaryar ee loo yaqaan caydiga iyo ayax badeedka oo laga helo xeebta dhaw ee badda. Waxaa labada dhinac ee xadhigga laga saaraa labo dhagax oo waaweyn si aanay biyuhu u qaadin. Calaamad lagu garto oo biyaha dul sabbaysana dhagax ayaa loogu xidhaa.

Kadibna waxaa la dhigaa meelaha uu kalluunku ku badan yahay.

Waafiqabad (gillinet):Waa hab ka mid ah hababka ugu wax soosaarka badan ee ay isticmaasho kalluumaysatadeennu. Waxaana ay u eg tahay shabagga kubbadda cagta ee goolka lagu xidho. Daldaloollada yar yare e ay leedahay ayaa waxa gala kalluunka biyaha dhex socda ee sabeeya.

Gargoor: Habkani waa selled weyn oo ka samaysan silig, oo loo sameeyey hab farshaxannimo leh iyo af xeeladaysan oo uu kalluunku geli karo gudaheeda, kana bixi karin. Waxaana laga sameeyaa laamaha yar yare e geedka gargoorka la yidhaahdo.

Mudidi ama Mataraash:Habkani waa qori dheer oo afka ku leh bir caaro dhuuban, oo leh gar hoose oo laaban. Qorigaa dheer ayuu qofka kalluumaystaha ahi biyaha la dhex istaagaa halka uu ka dareemo dhaqdhaqaaq kalluun ayuuna sida waranka ugu ganaa isaga oo qorigiina dabada haya.

Habka Saabka: Habkani, qofku inta uu saabka soo qaato ayuu biyaha la dhex gala, kadibna meesha uu kalluunku ka dhaqaaqo ayuu ku gembiyaa oo dhulka aad ugu cadaadiyaa. Meel daloosha oo ka samaysan saabka afkiisa ayuu gacanta ka geliyaa oo halkaas ayuu ka soo bixiyaa wixii kalluun ah ee galay saabka.

Habkan waxa aad looga jillaabtaa biyaha macaan siiba webiyada iyo harooyinka marka ay biyohoodu yaraadaa.

Maxaamiil:Maxaamiishu waa laba nooc. Nooc kalluunka laga jillaabto iyo mid libaaxa lagu dabo. Kan libaaxa lagu jillaabtaa waa shebeg il weyn ah. Kan kalluunka lagu dabaana waa shebeg il yar ah. Habkan maxaamiishu waa farsamo oo loo adeegsado ka ganacsiga kalluunka.

Shaayad (longline): Habkani waxa uu ka kooban yahay fiillo dheer oo caag ah  iyo jilbo fara badan oo kala waaweyn, waxaana la dhigaa qaybta sare ee biyaha.

Waxaana ag jooga markasta doonta lagu dhigay, oo marba kalluun wixii soo galay kala baxaysa.

Leave a Reply