Markii Chrotospher colombos helay qaaradda America sanadkii 1492, ayay dad badan oo cadankii Yurub ahi ka tahriibeen Qaaradda Gabowday ee Yurub iyagoo doonyo u raaci jiray Xeebaha America. Dadkan ayaa si dhib badan kaga talaabi jiray bad weynta Atlantiga.
Inta badan dadka cadaanka ah aaya ka baxsanayay dagaalo , gaajo iyo dhibaatooyin kale oo qaaradda gabawday ku habsaday. Waxay rabeen inay heleen dhul ay ku negaadaan oo nabad iyo amaan ah.
Markii ay dadka cadaanka ahi ku soo bateen Maraykanka waxa buuxsamay magaalooyinka , waxa batay shaqo la’aanta, saboolnimadiina cirka ayay martay. Dadkan qaxootiga ku yimi aya gumaaday oo cidhib tiray dadkii asal ahaan halkaasi degenaa.
Sebenkaasi gaajada jirtay awgeed waxa la cuni jiray wax kasta oo ay ka mid yihiin xataa hilibka dadka. Dadka cad ee Maraykanka ayaa ka dibna dhulkii ay haysteen maahee in ka badan oo kale ku darsaday iyago dadkii degaana kaga eryay dagaal iyo xoog, waxayna sidaasi u samaynayeen iyagoo u arkayay dhulka ay qabsanyaan inuu barwaaqo iyo nolol leeyaha kuna jiraan macadano kala duwan.
Sanadkii 1846 – 1848 aya Maraykaynku qabsaday gobolada galbeed iyo koonfurta ee maanta ka tirsan dhul weynaha Maraykanka, waxaana laga qabsaday dalka Mexsico. Taasi ayaa ka dhigtay in Mesico dhulkeeda kala badh uu qaatay Maraykanku, halka ay Maraykanka ay ka tahay 1/3 dalka Maraykanka.
Dagaalkan waxa Mexsico ku weyday gobolada Texas, New Mexsico, Colarado, Arisona, Califorina, Nevada, oo dhamaantood maanta ka tirsan Maraykanka. Kacdoonada Cunsuriyadda ee Yurub maanta ka socada ayay dadka qaarkood ku salaynayaan cabsi ay ka qabaan Qaxootiga ku soo badanaya inay kala wareegaan dhulkooda sidii ay iyaguba ula wareegeen dhul aanay asal ahaan lahayn.