Maydhashada Maalin Walba La Maydhaa Wax Maw Dhimi Kartaa Caafimaadka Qofka?

0
511

Iyada oo maydhashada jidhku tahay ta ugu wanaagsan ee lagu nadiifin karo jidhkeena, sidoo kalena laga helo caafimaad badan ayaa khubaro u dhalatay wadanka Ingiriisku daraasad ay sameeyeen waxay natiijo kazoo saareen saamaynta caafimaad ee ay yeelan karto maalin walba oo la maydhaa.

Khubaradan ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in la maydho jidhka, iyada oo laga saaraayo  dhididka iyo waxyaalaha kale ee uskaga ah, laakiin qofka oo maalintii laba jeer ama in ka badan ku maydha saabuun iyo waxyaalaha kimikaaliska ah ee jidhka lagu nadiifiyo ayay sheegeen inay u xun tahay caafimaadka qofka .

Waxa kale oo ay culimadani sheegeen in  ay qofka u fiican tahay inuu maydho gacmihiisa iyo qaybaha kale ee jidhkiisa, isaga oo ka nadiifinaaya uskaga iyo waxyaalaha keeni kara xanuunada , waxa kale oo ay intaas ku dareen in maydhashada galabtii oo lagu maydho biyo diiran  ay iyaduna tahay ta ugu wanaagsan, iyada oo jidhka ka saarta sumo badan.

Khubaradan oo natiijada daraasadan ku qoray wargeyska The Health oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in loo baahan yahay in jidhka laga yareeyo waxyaalaha ay saabuuntu kamidka tahay, iyaga oo dhaawici kara dubka sare ee jidhka.

Leave a Reply