Koox ugaadhsadayaal Qadariyiin ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan qoyska xukuma Qadar ayaa la sii daayay kadib markii afduub loogu heystay Ciraaq muddo 16 bilood ah.
Wasaarada daakhiliga Ciraaq ayaa sheegtay in kooxdaasi oo dhamayd 26 ay haatan ku sugan yihiin Baqdaad, islamarkaana gacanta laga gelin doono ergay ka socoda Qadar.
Ugaadhsadayaasha ayaa waxa ay rag hubaysani ka afduubeen meel saxaaraha oo u dhaw xuduuda Sucuudiga bishii Desember 2015.
Baadhitaano ballaadhan inkasta oo la sameeyay haddana wax war ah lagama helin halkay ku sugnaayeen.
Kooxda ugaadhsatada ah ayaa si weyn loo rumeysan yahay in ay ku jireen xubno qoyska Qadar ah, balse lama sheegin magacyadooda.
Waxa ay ugaadhsanayeen nooc shimbiro ah iyaga oo isticmaalaya shimbirka galaydhka oo ay soo tababareen arrintaasi. Sababta sii deyntooda ayaa la rumeysan yahay in ay la xidhiidho heshiis kakan oo Suuriya, kaas oo khusaynaya in dadka laga daadgureeyo afar magaalo oo go’doonsanaa, taasi oo lagu dhawaaqay toddobaadkii hore.