Warbixin Caddeysay In 16000 oo Qoys ay ku Barokaceen Gobolka Sanaag Muddo Shan Bilood ah

0
368

Fiqifuliye(Dawan)-Warbixin ay soo saartay mid ka mid ah Hay’adaha ka Hawlgala dalka, ayaa caddaysay baaxada  abaarta ba’an ee ku hawaarsatay gobollada bariga Somaliland, waxaanay sheegtay in gobolka Sanaag oo kaliya ay ku barokaceen 16000 oo qoys muddo kooban shan bilood ah.

Qoraal dheer oo ay qortay  Hay’adda NRC oo laga leeyahay dalka Norway, waxay faahfaahisay  daruufaha dadka tabaaloobay, qoraalkaas oo aanu soo turjunay wuxuu  u dhignaa sidan:-

“Kumanaan Bulshada reer guuraaga ah ayaa  ka hayaamay deegaannadoodii waxaanay  tageen deegaanno kale.Canab Saallax oo ah 33 jir ahi, waxay qoyskeedu haystaan oo kaliya 25 neef oo iskugu jira Riyo iyo Iddo, waxay aaminsan tahay inay  tiro yar tahay marka la barbardhigo 150 neef oo ay lahaan jireen ka hor intii aanay abaartu ku habsanin.

Sidaas si la mid ah bulshada ku dhaqan degmada Fiqifuliye ee gobolka  Sanaag ee Somaliland, waxa kaga  baxay abaartan  oo ah tii ugu darnayd muddo labaatan sannadood ah xoolihii ay dhaqanayeen. Waxay ka guureen sabbadii ay deganaayeen, waxaanay dantu geysay deegaanno kale si loo caawiyo.

Gobolka Sanaag, waxa tabaaleysay abaarta oo ku laxaadsatay kadib sannado xidhiidh ah oo roobabkii  u di’waayeen. Taasina waxay dhalisay in abaartu ku soo noqnoqoto. In ka badan 444,000  oo qoys ayaa ku barokacay abaartan Soomaaliya oo dhan muddo kooban oo shan bilood ah, iyadoo 16,000 oo qoys ka mid ahi ay yihiin gobolka Sanaag oo kaliya. Khubarradu waxay ka cabsi qabaan inay xaaladdu ka soo rayn waydo oo ay isu bedasho macaluul billaha soo socda.  Canab iyo qoyskeedu,  waxay muteen xaalad adag oo ay kala kulmeen deegaanka cusub ee ay degeen. Dhaqaale xumada haysata meheraduhu  kama yeelayaan inay amaah kaga iibiyaan cuntada iyo adeegyada kale ee daruuriga ah. Waxa Canab ka yaabisay halka ay wax uga heli karto 8-deeda  carruurta ah.

“Nolashayadu waxay  .noqotay mid murugo leh, tan iyo markii ay naga baxeen xoolahayagii,”ayay tidhi Canab; “Waxaanu ku tiirsanayn xoolihii aanu dhaqanayney oo aanu u isticmaali jirnay  wax kasta, imikase way naga le’deen.”

Canab iyo bulshada kale ee kula dhaqanaa Fiqifuliye, waxa haysta caqabado isku mid ah, waxa yaraaday hayntoodii dhaqaale, haddii jidka kaliya ee u furani yahay inay iibsadaan xoolaha yar ee u badbaaday ma aha mid suurtogal ah, waayo  ma aha xoolo nacfi leh oo aad ayay u tamar daran yihiin mana aha qaar iibgeli kara wakhtigan.

Bulshada abaartu  barokacisay  ee reer Sanaag, ayaa Hay’adaha gargaarka ku kalifay inay barokaceyaasha u sameeyaan xeryo ku yaalla deegaanka. Canab iyo bulshadeedu waxay ku jiraan mid ka mid ah xeryahan.

Hay’adda qaxoontiga ee Norwegian Refugee Council (NRC), ayaa geysay raashin   isla markaana ka taageerta dhinaca biyaha xeradan, iyadoo  NRC  gacan ka heshay Ha’yadda UK u qaabilsan horumarinta caalamiga ah. NRC waxay  xulatay  inay kaalmayso 150 ka qoys ee ugu Jilicsan kaambkan.

Rajaddu  kamay lumin Canab iyo qoyskeeda, Guddida bulshadan abaartu saamaysey,  ayaa u aqoonsaday qoyskan inay yihiin mid ka mid ah qoysaska ugu jilicsan ee gargaarka u baahan. Waxa la siiyay lacag lagu caawiyay oo ay bixisay NRC, lacagta gacanta laga geliyay,  waxay Canab u saamaxday inay iibsato raashinka iyo quutal-daruuriga kale ee lagama maarmaanka ah si ay ugu quudiso qoyskeeda.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply