Taliye Fooxle oo WADDANI ugu Baaqay Inay ka Waantoobaan Aflagaadeynta Ciidammada

0
377

Hargeysa (Dawan)- Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeyo Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), ayaa been aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay eedaymo Booliska uu  u soo jeediyay Cabdillaahi Daamur oo ka tirsan xisbiga Waddani, isaga oo ku eedeeyay in jidh dil xabsiga loogu gaystay xubno ka tirsan xisbigaas oo  dhawaan la xidhay.

 

Cabdiraxmaan Fooxle oo shalay u waramayay telefiishanka Saab TV, ayaa waxa uu u soo jeediyay xisbiga Waddani in ay ka waantoobaan hadalada aflagaadada ah ee ay saxaafadda u soo mariyaan ciidammada booliska ee qaranka u shaqaynaya.

 

Taliye Fooxle oo arrintan  ka hadlayayna wuxuu  yidhi;  “Ninka la yidhaahdo Cabdilaahi Axmed oo  Daamur ku magac dheer ee ka tirsan xisbiga Waddani, hadalada uu ku hadlay ee uu bulshada sida khaldan wax ugu sheegay arinkaas waxba kama jiraan, taliyaha ciidamada booliska iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani waa wada hadleen, wax balana oo meel yaalayna ma jirin, arinka ay ka hadlayeena waxa uu ahaa maxaabiista, maxaabiistana kiiskoodii wuu naga gudbay, waxaana gacanta ku haya xeer ilaalinta iyo maxkamada, wax la yeelay iyo wax loo gaystayna ma jirto, waxaasina waa khuraafaadka ay faafinayaan, been aan sal iyo raad toona lahayn in layska sheegaa xaaraan weeye.”

 

Cabdiraxmaan Fooxle waxa uu intaasi raaciyay “xisbiga Waddani iyo axsaabta kalena dhex ayaanu u nahay, laakiin waxa aad moodaa in xisbiyada  kale aanay ku soo dagdagin Ciidamada, balse afkoodu ka duwan yahay xisbiga  Waddani oo waxa uu doono ayuu kula hadlaa ciidanka booliska, waxaana aanu leenahay ciidankani waa ciidankii qaranka, idinkuna qaranka ayaad ka mid tihiin, waana in aad dhaqanka ciidanka ilaalisaan oo aflagaadada ka daysaan ciidankan xaqa ku taagan ee qaranka u shaqaynaya.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply