Nin boqor ahaa ayaa doonayay inuu dawladiisa u magacaabo qaadiga guud ee dalka wuxuuna rabay inuu booskaas geeyo nin wanaagsan oo dadku ku qancaan hase ahaatee culumada muslimiintu way ka warwareegaan jagadaasi.
Waxayna u arakayeen inay tahay jago lagu fitnoobi karo ka dibna khaliifkii ayaa ku qasbay nin wadaad can ah inuu qabto jagadaa balse wadaadkii ayaa ku yidhi “boqorow kuma habooni fiicni jagadaasi! Boqork ayaa ku yidhi “ beenbaad sheegaysaa” waad ku fiican tahay.
Laakiin wadaadkii wuxu yidhi : “Hadaan run sheegayo waan kuu sheegay inaan aqoon u lahayn jagadaas, hadaan beenaale ahayna adigu ma waxaad Umada u magacaabaysaa qof beenaale ah. Xulashada qofka jago loo dhiibayo ka sakow aqoonta waxa fiican inuu leeyahay awood fulineed oo karti u wax ku dhaqaajin karo.