Filim Xiiso Leh oo Xambaarsan Goobaha Taariikhiga ah ee Somaliland oo la Soo Bandhigay

0
351

Hargeysa (Dawan)- Waxa xalay Huteelka Maansoor ee caasimada Hargeysa, lagu daahfuray  Filimkii u horreeyay ee dukumantari ah  ee ugu xiisaha badnaa ee  laga sameeyo goobaha taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland a iyo quruxda dhulka hooyo. Waxaanu noqday filim aad u sii jiitay dadkii daawaday ee ka qaybgalay xafladii lagu soo bandhigay.

 

Waana filimkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ay wasaaradda warfaafiinta Somaliland ay soo saarto, iyada oo kaashaneysa dhallinyaro dalka dibadiisa iyo gudihiisaba ka kala socday iyo khuburro dhinaca dalxiiska ah, waxaanu filimkan oo ahaa mid aad u qiimo badan oo taariikh dhaxalgal ah xambaarsanaa  uu socday muddo 47-daqiiqo ah waxaaney duubistiisu qaadatay muddo maalmood ah.

Waxaa  munaasibadii lagu soo bandhigey ka soo qaybgalay sallaadiin, cuqaal, cullimo iyo dhallinyaro aad u tiro badan, safiirka Somaliland u jooga dalka Ingiriiska iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta  iyo wacyigalinta,  Axmed Abokor oo  ugu horeyn  xafladaas  ka hadley ayaa dhalinta Somaliland ugu baaqay in  goob kasta oo ay joogaan  ay sheegtaan, kuna dhaataan magaca Jamhuuriyada Somaliland oo aanay sheegay magac cid kale, waxaanu yidhi; “Somaliland waxay dheer tahay wad odamada kale oday Xaaji Cabdi Waraabe, halka ay warfaafintuna dheer tahay wasaaradaha kale  wariyayaasha iyo hawlwadeennada kale,  waxaanan dhalinta reer Somaliland aan leeyahay inta badan waxaa la yidhaaha qoraaga Somaliland ee shaqo kasta oo aad hayso iyo wax wal oo aad qabaneyso waa inaad sheegataan magaca dalkiinna hooyo ee Somaliland.”

 

Wasiirka Warfaafinta  iyo wacyigalinta Somaliland, Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) oo isaguna madashaasi hadalka jeediyay ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeeddada filimkan loo sameeyay,  waxaannu yidhi; “Wasaaaradda Warfaafintu waxay u taagan tahay inay dadka wacyigaliso, inay bulshada  waxbarto iyo inay madadaaliso, ujeeddada aanu filikani u soo duubnayna waxay  tahay sidii aanu u bari lahayn dhulka ballaadhan ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo goobaha taariikhiga ah ee ku duugan, waxaannu  diyaar u nahay inaanu mar kale maro min Saylac ilaa Togdheer iyo goob kasta oo muhiim ah  oo qarankani leeyahayba.”

“Waxaanu doonaynaa inaanu soo bandhigno taariikhda  cid kasta oo maskaxdeeda u shiishay sidii ay Somaliland u horumarin lahayd iyo taariikh nololeedkii dadkii halganka dheer ee dhiiigu ku daatay u soo maray qaranimada Somaliland, nabada iyo horumarka aynu ku naalooneyno, dadka filimkan khibrada iyo aqoonta ka faa’iidey waxa ka mid ah  Wariye Yoonis Cali Nuur oo isagu aan wali Gabiley soo dhaafin, waxaannu  soo marnay dhul badan oo ay ka mid yihiin Dayaxa iyo deegaanno kale oo xabagtii iyo beenyadiiba ay ka baxeen taariikhda dhulkaasi iyo kheyraadka ku duugana qof walba waxaa uu ka daawan doona muraayada gurigiisa taalla,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

 

Wasiir Caddaani waxa uu xusay in loo baahan yahay in Somaliland  oo isku duuban shacab iyo xukuumadba loo jeesto dhinaca horumarinta iyo waxsoosaarka, waxaannu yidhi; “Intii socodkayaga aanu ku gudojiray waxaanu la kulanay ku dhawaad dad gaadhaya ilaa 400 oo qoys oo haween iyo caruurba leh, annaga oo wax aanu u sidnaa aanu jirin, markaa ilaa Xaawiyo Aadan si ayaynu u nooleyn ee waa inaynu noloshan ka baxnaa oo dhulkeenna aaminnaa, waxna kala soo baxnaa oo halka maanta waddamada aynu jaarka nahay ay gaadheen aynu gaadhnaa gacmahana isu qabsanaa sidii aynu horumarkeenna iyo wax-soo-saarkeenna uga fikiri laheyn, barnaamijyada aanu soo duubnayna waa qaar bulshada taaban doona oo dareen taabasho leh qof walbana dareenkiisa si toos u badeli  doona.”

Maareeyaha TV-ga qaranka Somaliland,Khadar Maxamed Cakuule, ayaa dhinaciisa ka hadlay filimkan  oo uu tilmaamay in looga jeedo in bulshada iyo caalamkaba la baro khayraadka iyo qiimaha dhulkeenu leeyahay dhinac kasta, waxaannu yidhi; “Filimkani muddo toban cisho ah ayay duubistiisu qaadatay, waxaannu soconayaa muddo 47-daqiiiqo ah, waxa aynu deganahay bugcadii ugu amaanka badneyd ee dhallinyaradu waa inay doorkooda ka qaatan horumarka wadanka, barnaamijkana waa mid lagu daahfurayo quruxda iyo haybada dalkeenna hooyo, goobaha aanu soo maray waxaa ka mid ahaa Sheekh Isaxaaq , Sheekh Samaroon, Xiis iyo Maydh, Laas-geel, Sheekh Burco,Daallo,Balan-baal, Dayaxa, Gudmo biyo cas iyo qaar kale.”

 

 

 

“Waaanu u mahadcelineynaa inta na dhageysanaysa ee aan maqalkayaga arkeyn iyo cid kasta oo na daawaneysa, dadka xoolahoodu dhammaadeen ee iyaguna ina dhegaysanaya inay ina maqlaan waxaa sabab u ah ballaadhinta lagu sameeyey idaacada Radio Hargeysa balaadhinteeda waxa mahadeeda  lahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waana Idaacada maanta geeska Afrika ugu weyn haddana waa aynu ka nasiib wanaagsanahay waddamob badan oo innaga waa weyn,”ayuu yidhi Khadar Cakuulle.

 

 

 

Waxaanay masuuliyiintii goobtaasi ka hadley iska wada daba mareen inay ka dhaxleen barnaamijkan aqoon iyo waayo aragnimo aan la soo koobi karin, waxaanu Wasiirka Warfaafintu bilad sharafyo halkaas ku gudoon siiyay dhammaan dhallinyaradii iyo khubarradii ka qayb qaatay sameynta, duubista, isku dubo-ridka iyo soosaarista filimkaas.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply