Dalka Maraykanka waxa ka dhaca tartano kala duwan oo qaarkood ay yihiin kuwo yaab leh waxaana ka mid ah tartanka Kabaha ugu foosha xun isla markaa ur aad u xun samaynaya. samaynaya. Tartanka waxa ka soo qayb gala dhaman gobolada Maraykanka.
Tartanka waxa lagu qabataa fagaaraha Times Square oo ku yaalla Newyork. Waxa kale oo yaab leh in kooxda garsoorka ay yihiin koox aad khibrad ugu leh isla markaana u sita shaadooyin caalami oo sare, kuwaasi oo ku kala saaraya muuqaalka iyo urtaba. Waxaana ka mid ah George Aldrich oo takhsus sare u leh cilmiga Kimistrariga kana mid ah kooxaha hawada sare kala sheqeeya hay’adda NASA oo urta sida ay u kala xeel dheer tahay aqoon u leh.
Mr. Rachel Hersz ayaa gudiga garsoorka u sareeya kaasi oo haysta shahaadada PHD, isla markaana ah khabiir cilmi nafsiga ah iyo Uduga. Tartamaha kaalinta koowaad gala ayaa la siiyaa jeeg ay ku qoran tahay lacag dhan $ 2500. Sanadkan waxa kaalinta koowaad galay wiilka lagu magcaabo Conner oo ka socday Gobolka Alaska waxaana ka caawisay inuu kaalintan galo edadii oo ka shaqaysa beer xayawaanka lagu xanaaneeyo iyo weliba iyadoo gelisay intii kabaha uu xidhnaa hawla kaluumaysi kuwaasi oo sababay in kabihiisu ay ur aad u xun keenaan. Waxa kale oo wiilkaasi la siiyay abaal marin ah inuu laba maalmood joogo Newyorka madaama urta kabuhu ay xumayda si fiican iskaga nadiifiyo. Waxaa kale oo abaal marin loo siiyay kabaha dahabka ah si uu si dhakhso u nadiifiyo lugihiisa.