Wasiirka Macdanta oo Beeniyay Inuu Shirkado Gaar ah Kooto ugu Xidhayo Bixinta Adeega Laydhka

0
255

Hargaysa (Dawan)-  Wasiirka  Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland  Eng.  Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa  beeniyay cabasho dhawaan ka soo yeedhay  shirkadaha bixiya adeega korontadda  oo la xidhiidhay in wasiirku uu waddo qorshe uu shirkad gaar ah kooto ugu xidhayo  bixinta adeega korontadda.

Waxaanu ku dooday wasiirku in aanay jirin shirkad gaar ah oo ay wasaaradu saami ku leedahay, hase yeeshee arrinta ay ka dhalatay cabashadda ganacsatadda korontadu ay ka dhalatay wareegto ay wasaaradu ku amartay shirkadaha korontadda in la nidaamiyo aagga korontadda. Todobaadkii hore  ayaa qaar ka mid ah shirkadaha bixiya adeega korontadda ee caasimadda Hargaysa iyo   magaalooyinka kale ee dalkaa  waxay golaha Wakiiladda u gudbiyeen cabasho ka dhan ah wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta oo ay ku eedeeyeen in uu damacsan yahay qorshe  uu shirkad gaar ah kooto ugu xidhayo  bixinta adeega korontadda. Gudi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha  Wakiiladda Somaliland ayaa shalay  waxay wasiirka  macdanta iyo tamarta  ka dhegaysteen warbixin  ku saabsan waxa ka jira cabashadda ay  u soo gudbiyeen   shirkadaha korontadu,  ee la xidhiidha in wasiirku uu shirkad gaar ah ku wareejinayo bixinta iyo ka ganacsiga adeegyadda korontadda. Kadib markii uu soo dhamaaday kulankaasi ayaa waxaa warbaahinta si wad ajir ah ula hadlay Xildhibaan Cali Maxamed Aadan (cali-bare), oo ka tirsan gudi hoosaadka  dhaqaalaha ee golaha Wakiiladda  iyo wasiirka macdanta.

Xildhibaan Cali-barre, oo   ugu horayn waxa uu faahfaahin ka bixinayay  kulankii ay wasiirka la yeesheen iyo qodobadii ay ka wada hadleen waxa uu yidhi  “Wasiirka annaga ayaa  u yeedhnay haddii aanu nahay  guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiiladda,  waxaananu ugu yeedhnay  cabasho shirkaddo ka timid oo noo soo gudbiyay. Markii aanu iyagii dhegaysanay in aanu wasaaradiina dhegaysano  waxa ay ka qabto waxa naloo sheegay iyo wixii ay hayaan ayaanu wasaaradana ugu yeedhnay. Wasiirka  hadda (shalay) waanu  waraysanay,  labadii dhinacba waanu qaadnay waraysigoodii, haddii aanu cid kale u baahanana oo ay hawshu nala gasho waanu waydiinaynaa.”

 

Waxaanu intaasi ku daray  “Ilaa  hadda arrintu  waxay noo maraysaa warbixinahaa aanu kala qaadanayno iyo macluumaadyadda (documents), wax kale oo  natiijo ah ama  hadda soo baxay  oo diyaar ahi ma jiraan, marka  waraysiyadu noo dhamaadaan, ee dhinac walba aanu hubino,  qoraaladda iyo macluumaadka eegno, maslaxadda  ummadda aanu  eegno,  markaas ayaanu gole ahaan  ka soo saari doonaa natiijo,”ayuu yidhi xildhibaanku.Dhinaca kale wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta  wuxuu sheegay in uu gudiga dhaqaalaha ee Wakiiladda u cadeeyay in aanu  jirin qorshe ay wasaaradu ku doonayso in bixinta adeega korontadda shirkad gaar ah kooto loogu  xidho, hase yeeshee  ay shirkadaha oo dhan wasaaradu u dirtay wareegto la doonayo in lagu nidaamiyo aagga korontadda  inta uu soo baxayo  xeerka hab-maamulka   korontadda.Isagoo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Cabashadda ay gudiga dhaqaalaha u soo gudbiyeen shirkadaha adeegyadda korontadu, ee ah in wasaaradda macdantu  shirkad gaar ah  u  xidhay fidinta iyo ka ganacsiga adeega korontadda  waanu uga waranay xildhibaanadda, waraaqihii cadaynta ahaa ee sheegayay  in aanay jirin shirkad  aanu si gaar ah kooto ugu xidhnay, balse  waxay ahayd  wareegto aanu u dirnay  shirkadaha korontadda oo dhan  oo aanu kula talinaynay inta sharcigu  soo baxayo  aynu nidaamino aagga korontadda,  oo aynu ku soo dabaalno hageyaal caalami ah oo aanu doonayno in lagu meel-gaadho”.

 

“Masuuliyad ayaa naga saaran  dalka, maadaama aanu nahay wasaaradii qaabilsanayd arrimahaasi in aanu kala-xadayn ku meel gaadh ah samayno,  kala-xadayntaasina cid-na  garabka saarimayso, cidna kama soo hor jeeddo. Wasaarad ahaan cidna saami kuma lihin,  waxaanu qaabilsanahay  oo ay muhiimadayadu tahay   in ummadda Somaliland ay hesho adeeg koronto oo jaban, isla markaana bed-qaba.  Ka ganacsiga adeegga korontadu ma aha badeecad la iibinayo,  ama ma aha Bariis aad inna hebel ka soo iibsanayso” ayuu yidhi Eng. Ducaale.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply