Dalka Chine oo Soo Saaray Tareen Aad u Dheeraynaya Isu Mari Kara Masaafo Kala Fog

0
358

Khubaro u dhalatay wadanka Chine ayaa soo saaray  tareen cusub oo muddo gaaban ku gaadhi kara goobo kala duwan, kaas oo noqonaaya tareenka ugu dheereeya caalamka ee sannadkan la sameeyo.

Tareenkan ayaa khubarada samaysay sheegeen inay wadooyinkiisa iyo isagaba dhamayn doonaan sannadka 2020 ka, isaga oo waqtigaasi geli doona tijaabooyinka ugu horeeya ee lagu sameeyo.

Waxaana tareenkaasi cusub ka hadlay madaxa shirkadda samaysay tareenkan oo lagu magcaabo CRRC  oo kormeer ku samaynaayey dhismaha tareenkaasi , waxaanu sheegay inay wadaan qorshihii dhismihiisa, sidoo kalena ay garab socoto dhismaha wadooyin ku haboon oo loo sameeyo.

Mr Tsiao Finn  ayaa waraysigan oo uu siiyey wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan waxa uu ku sheegay inay  samaynayaan tareen  xawaarihiisu gaadhaayo mid aad u sareeya, muddo saacad ahna socon kara masaafo dhan 400 km, kaas oo sidoo kalena ku socon kara waddo dhumucdeedu le’eg tahy 0.6m  ilaa 1.67 m.

Tareenkan ayaa laga sameeyey waxyaalo ay kamid yihiin  Carbon Fibers, Aluminum iyo waxyaalo kale oo ay biro ku jiraan,waxaanu ka qayb qaadan doonaa  tareenkani xidhiidhka wadamada gobolkaasi ku wada yaal iyo isla wadanka Chine dhexdiisa.

Wen Huo oo kamid ah shirkadda Horumarinta  Chine  ayaa sheegay in wadamada uu isku xidhi doono tareenkani inay noqon doonaa wadamada  Barriga  dhexe, Badhtamaha Aasiya, Koonfur Barri Aasiya, Barriga Aasiya iyo Barriga Yurub.

 

 

Leave a Reply