Goobo Ammaan ah oo laga Hirgelinayo Suuriya

0
349

Waxaa la gaadhay heshiis dhigaya in goobo ammaan ah laga sameeyo Suuriya oo dhaqan gelaya xalay saqdii dhexe, sidaasna waxaa baahisay wasaarada difaaca Raashiya.

Heshiiska oo saamaynaya afar goobood oo ammaan ah in la sameeyo ayaa lagu gaadhay khamiistii  wadahadalladii ka socday Kazakhstan ee ay wadeen  Ruushka  iyo Iiraan, islamarkaana waxaa taageeray madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad.

Turkiga oo taageera, kooxaha fallaagada Suuriya ayaa aqbalay inuu u matalo dammaanad ahaan.

Ergayga Raashiya ayaa sheegaya in laagu heshiiyay in goobahaasi ay ilaaliyaan dayaaradaha mileteri ee isbaheysiga uu hoggaaminayo Mareykanka.

Waxa kale oo  Moskow sheegtay in ay Maraykanka, QM iyo Sucuudi Arabiya ay iyana taageereen fikradda.

Haseyeeshee  qaar ka mid ah ergada fallaagada ayaa si cadho leh u diiday qorshaha.

Aqalka Kremilinka ayaa sheegay in goobaha ammaanka ahi  sii jiri doonaan lix bilood.

Wadahadallada ka dhacayay caasimada Astana ee  Kazakhstan ayaa ergada mucaaridku uga qeyliyeen  si cadho leh in aanay aqbaleyn heshiiska, waanay ka dareereen.

Weriyeyaasha  ku sugan kulanka ayaa sheegaya in fallaagadu aanay  ku faraxsaneyn kaalinta Iiraan ka qaadanayso wadahadallada heshiiska.

Ma cadda in ay fallaagada qaarkood u hoggaansamayaan xabbad joojinta iyo in kale.

Leave a Reply